Madaxda ASOJ ee Qaahira War murtiyeed ka soo saaray xariga Cabduqaadir Nadaara.

0
Monday July 05, 2010 - 04:31:15 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2924
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda ASOJ ee Qaahira War murtiyeed ka soo saaray xariga Cabduqaadir Nadaara.

    Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen, Saxafiyiin Soomaaliyeed ee ku sugan dalka- Masar ayaa looga hadlay xariga loo gaystay Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen, Saxafiyiin Soomaaliyeed ee ku sugan dalka- Masar ayaa looga hadlay xariga loo gaystay Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho.
Saxafiyiinta kulankan isugu yimid oo u badnaa madaxda Ururka Isu taga Suxufiyiinta ASOJ ayaa waxaa ay  kulankooda ku cabaareeyeen  xariga gardarada ah ee lagula kacay dhawaan C/qaadir Cashir (Nadaara ) agaasimiha Talafishinka Universal TV ee magaalada muqdisho iyo wariyaal kale, waxayna ka codsadeen dhinacyada xarigaas ku lugta leh in ay si deg deg ah xoriyaddooda ugu soo celiyaan Saxafiyiintaas.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen suxufiyiin Soomaaliyeed oo u kala shaqeeya qaybaha kala duwan ee saxaafada maxaliga iyo caalamiga ah, ayaa dad kii meesha  ka hadlay waxaa ka mid ah Ustaad Cabdi Yusuf oo shaki galiyay jritaanka dawlada fedaraalka mar hadii ay ku tumanayso xoriyada dad keeda gaar ahaan saxafiyiinta waxa uuna ku nuux nuuxsaday in la sii daayo Nadaara iyo suxufiyiinta kale shuruud la'aan 




Dhinaca kale Al Ustaad Mahad carabow cali ayaa si qiiro leh u sheegay in la sii daayo wariye Cabduqaadir Nadaara asagoo sheegay hadii dowlada xir xirto Warfidiyeenada inaysan jiri Karin cid tebi kareeyso waxa ka dhacaya Soomaaliya gaar ahaan xitaa wax qabadka dowlada. 



Guud ahaan Saxafiyiintii Soomaaliyeed ee ka hadlay kulankii xalay waxay canbaareyn dusha ugu tureen dawlada fedaraalka ah ee gaysanaysa waa sida ay hadalka u dhigeene xadgudubyada ka dhan ka ah Saxaaafada oo isugu jira xariga caburin iyo cagajugleynta ee lagu la kacay Suxufiyiinta, taasoo looga gol leeyahay bay yiraahdeen in lagu hor istaago in si dhab ah loo soo bandhigo  waxyaabaha ka dhacaya Muqdisho iyo guud ahaan  Soomaaliya. 

Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Qaahira ugu dambeyn waxay ugu baaqeen Dowlada Kumeel gaarka in ay dhowrto xuquuqda Saxaafada, iyo Suxufiyiinta, waxayna ugu baaqeen dhamaan qeybaha isku haya Soomaaliya inay u fududeeyaan warfaafinta howsha baaxada leh ay u hayaan Soomaaliya. 

kulankaan oo ay ka soo qayb galeen wariyaal ay ka mid ahaayeen C/qaadir Maxamed Cusmaan (Barnaamij) Cabdi Yuusuf Faarax, Al- Ustaad  mahad Caraboow Cali, Xuseen Saxnuuni, Rooda cabaas Cabdi  Bashiir Maxamed Warsame - Al bashiir- Max'ed Cali Shuuti, Kartoonist C/laahi Muxidin Cali Abdul arts Jabril mahamed Jabril Ismaaciil Cali c/lle (Saxaaf) iyo Yaasmiin Xasan Ingriis, Farax C/laahi. Iyo Saxafiyiin kale 

Saxnuuni. Al- Qaahira, email :- [email protected] 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip