Asoj oo sheegay in Dowladda Federalku in ay kala garan la dahay Wariyaha iyo Warbaahinta uu u shaqeeyo.

0
Monday July 05, 2010 - 04:29:34 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2624
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Asoj oo sheegay in Dowladda Federalku in ay kala garan la dahay Wariyaha iyo Warbaahinta uu u shaqeeyo.

    Ururka Isu Taga Suxufiyiinta Soomaliyeed ee Asoj ayaa ku celiyay Cambaareeyntii labaad oo ay dowladda federlka ku cambaareeynayaan kadib Wariye Maxamed Bashiir iyo wadahii gaarigiisa oo maalintii sedexaad u xiran sharci daro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Isu Taga Suxufiyiinta Soomaliyeed ee Asoj ayaa ku celiyay Cambaareeyntii labaad oo ay dowladda federlka ku cambaareeynayaan kadib Wariye Maxamed Bashiir iyo wadahii gaarigiisa oo maalintii sedexaad u xiran sharci daro
Associated Somali Journalists ASOJ waxay sheegtay in habla dhaqanka dowladda u eg yahay mid wareersan oo isku dhexyaacday,iyadoo kala garan la wariyaha nolol maalmeedkiisa dhacda iyo Hay'ada uu u shaqeeyo ee Warbaahineed. 

“ waa nasiib daro in dowladda fahmi wayso Wariyaha mushaarigga ah iyo maamuladda Idaacadda waxaana dowladda ku celcelineeynaa inay deg deg ku sii deeyso Wariye Maxamed Bashiir iyo Darawalkiisa Qoryooleey “ ayuu yiri Gudoomiyaha ASOJ Dahir Alasow oo intaa ku daray in hadii qalad tabaneeyso dowladda looga baahan yahay inay kala xisaabtanto maamulka Idaacadda ee aysan ku kicin falal argagaxisonimo oo ay ku dhaawaceeyso xaquuqda Aadanaha. 


Wariyaha iyo darawalkiisa ayaa laga qabtay garoonka Muqdisho oo ay hoowlo shaqo u tageen ,iyadoo aan la ogayn halka ay ku xiran yahiin 

Ururka isu Taga Suxufiyiinta Soomaliyeed ee Asoj ayaa aad uga xumaday xariga micna darada ah ee loo geysanaya Suxufiyiinta ka howl gala gudaha Wadanka Somalia, waxuuna ka codsanaa dowladu in ay sii deydo oo mag dhaw ka bixiso xariga micna darada ah ee maalintii sedexaad xabsigga u yaal Maxamed Bashiir Sheekh Cabdi raxmaan. 

Abdifatah Muhudin Noor (lajecloow) 

Wakiilka Asoj Swedan Gotenbrog 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip