Wariyayaal Howlo Shaqo u tagay Airporka Muqdisho oo ay Ciidamadda dowladda Handadeen iyadoo laga soo celiyay hoowl

0
Monday July 05, 2010 - 04:27:12 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2664
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariyayaal Howlo Shaqo u tagay Airporka Muqdisho oo ay Ciidamadda dowladda Handadeen iyadoo laga soo celiyay hoowl

    Saxafiyiin Madaxbanaan oo reer Muqdisho ah ayaa markii labaad manta lagu handaday garoonka Caalamigga ah ee Muqdisho halkaas oo ay u tageen hoowla shaqo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saxafiyiin Madaxbanaan oo reer Muqdisho ah ayaa markii labaad manta lagu handaday garoonka Caalamigga ah ee Muqdisho halkaas oo ay u tageen hoowla shaqo.


Wariyaasha ayaa sheegay in handadaas uu kula kacay nin sheegtay inuu yahay madaxa Nabadsugidda garoonka iyagoo magaca ninkaasna ku sheegay Ibraahim Shekh Cali.

Wariyaasha waxay tibaaxeen in ninkaas uu ugu hanjabay in la dili doono hadii ay mar kale tagaan garoonka.


Suxufiyiintaas cabashadda ka muujiyay garoonka Muqdisho ayaa ka kala socday Shabelle, Hornafrik, Aljazeera iyo wariyeyaal kale oo ah kuwo madax banaan.

Suxufiyiintaan ayaa waxa ay cadeeyeen in ay Airapoorka Muqdisho ku tageen u yeeritaanka Mas'uuliyiinta dhinaca warfaafinta ee Midowga Africa oo U sheegay In shir jaraa'id oo la filayay in uu gudaha Airaporka ku qabto wasiirka arimaha dibadda Ethiopia Siyum Musfen oo Shalay soo gaaray Muqdisho.

Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa cambaareeyay tacadiyadda is daba jooga ah ee ay ku kacayaan madaxda dowladda federalka.

Ma'ahan markii ugu horeysa oo sidaan loola dhaqmo Suxufiyiinta ka howlgala Guddaha Magalada Muqdisho.

  


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip