ASOJ oo mar kale Madaxweyne Reyaale ka codsaday inuu cafis ku sii daayo Wariyaasha Haatuf.

0
Monday July 05, 2010 - 04:26:29 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ASOJ oo mar kale Madaxweyne Reyaale ka codsaday inuu cafis ku sii daayo Wariyaasha Haatuf.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus


Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dahir Reyaale Kaahin u cusbooneeysiisay codsi ay kaga dalbanayaan inuu cafis Madaxweyne ku sii daayo Wariyaasha iyo madaxda Wargeyska Haatuf ee Somaliland isagoo tixgelinaya Madaxbanaanidda Jaraa'id iyo dimoqoraadiyadda curdaankaa ee Somaliland ka jirta. 

“ Madaxweyne Reyaale waan ugu celineeynaa codsigeena ,waxaana ka codsaneeyna inuu cafis deg dega u fidiyo Wariyaasha Maxkamadda Xukuntay,xukunkaa nuucii la doono ha ahaadee” ayuu yiri Gudoomiyaha ASOJ Dahir Abdulle Alasow oo dhinaca kale raja wanaagsan ka muujiyay in codsigoodda Madaxweynaha Somaliland aqbali doono isagoo tixgelinaya xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal iyo labada Urur ee SOLJA iyo ASOJ. 


Lama ogga in Madaxweyne Reyaale aqbali doono codsiyadda isbiirsaday ee ay kala gaarsiiyeen labada urur Saxaafadeed ee Somalia iyo Somaliland laakiin codsi kan la mida waxaa aqalka Madaxtooyadda geeyay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.sida uu ku waramay Gudoomiyaha Ururkaas Maxamed Cabdi Ciise Shiine. 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip