Ururka isu taga Suxufiyiinta ASOJ oo u mahadcelisay dadkii ka qaybqaatay sii deynta Wariye Xasan Sadde dhaqane.
Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan ASOJ ayaa Mahadcelin balaarin u jeediyay dhamaan shaqsiyaadkii gacanta ka geystay sidii dowladda federalka ku sii deyn lahayd Wariye Xasan Sadde dhaqane oo toban cesho oo xabsi ah kadib helay xoriyadiisii shaqsiyadeed.
“ Waana faraxsanahay hadana dhinaca kale murugo ayaan ka qabnaa waayoo in la sii daayo Xasan Sadde dhaqane oo dowladda baaqeena ku hogaansanto waanu ku faraxsanahay hadana waxaa murugo iyo tiiraanyo noo ah Caafimaadka Wariyahaas oo liita iyo Dowladda oo maalmahii la soo dhaafaysay ku kacaysay falal la oran karo waa kuwa laga badbadiyay,waloow ay jiraan dhaliilo la saari karo Wariyaasha qudhoodda”sidaas waxaa yiri Dahir Alasow oo ah Gudoomiyaha Associated Somali Journalists ASOJ.
Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed wuxuu dowladda ku xoojiyay inay mar walba qaab sharci ah u marto xarigga Suxufiyiinta oo ay soo gudbiyaan Warranty ay ku dalbayaan Wariyaha gefka laga tirsanayo inuu sharcigga hor yimaado.balse aanan qoorta la iska qaban sida tuug la qabtay isagoo wax dhacaya.
ASSOCIATED SOMALI JOURNALISTS ASOJ oo warsaxaafadeed ka soo saartay Muqdisho waxay Wariyaasha ugu baaqday inay ilaaliyaan anshaxa Saxaafadda ayna si taxadir leh uga fogaadaan goobaha gaashaandhigga iyo xerooyinka Ciidamadda iyagoo la jaanqaadaya xaaladaha adag ee dalka ku sugan yahay.
Ururka isu taga Suxufiyiinta ASOJ oo u mahadcelisay dadkii ka qaybqaatay sii deynta Wariye Xasan Sadde dhaqane.