![](https://asoj.org/uploads/asoj_bnr.jpg)
Ururka Suxufiyiinta ASOJ oo cambaareeyay kooxahii dilay Wariye Cali Cumar oo ka mid ahaa hoowl wadeenadda sare ee
Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa si kulul u cambaareeyay kooxahii dilay Wariye Cali Cumar oo ka mid ahaa Mas'uuliyiinta sare ee Associated Somali Journalists.
Xoghayaha Guud ee ASOJ Cabdi Fitax Geeseey oo warsaxafaadeed ka soo saaray Xarunta dowladda federalka ee Baydhabo ayaa ku nuuxnuxsaday inay aad uga argagaxeen geeridda Wariye Cali Cumar,sidoo kalana dowladda ugu baaqeen inay soo qabtaan shaqsiyaadkii Wariyaha dilay.
“ waan ka tiiraanyeeysanahay geeridda naxdinta leh ee Wariye Cali Cumar,waxaana leenahay wuxuu ahaa halyeey Saxaafadeed oo soo baxayay “ayuu yiri Xoghayaha guud ee ASOJ Cabdi Fitax Geeseey oo ah Agaasimaha Idaacadda Warsan ee baydhabo,una ka tirsana Wariyahaas la dilay.
Dhamaan Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Wariye Cali Cumar.
Cabdiqaadir Cilmi Ciise { Honest}
Xoghayaha Xiriirka Caalamigaa ee ASOJ
Mogadishu Somalia