Wariye Mohamed Amiin oo laga sii daayay Xabsigga Magaaladda Jowhar 3 maalmood kadib.

0
Monday July 05, 2010 - 04:21:39 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2472
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Mohamed Amiin oo laga sii daayay Xabsigga Magaaladda Jowhar 3 maalmood kadib.

    Wariye Mohamed Amiin oo ahaa Wariyaha uga soo waramayay Jowhar Idaacadda iyo Tv-ga Global Broadcasting Cooperation ayaa laga sii daayay xabsigga Magaaladda Jowhar ee gobolka Sh/dhexe kadib markii uu halkaas ku xirnaa mudo sedex cesho ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wariye Mohamed Amiin oo ahaa Wariyaha uga soo waramayay Jowhar Idaacadda iyo Tv-ga Global Broadcasting Cooperation ayaa laga sii daayay xabsigga Magaaladda Jowhar ee gobolka Sh/dhexe kadib markii uu halkaas ku xirnaa mudo sedex cesho ah.
Wariyaha ayaa loo xiray arrimo la xiriiro inuu faafiyay codad dad dhan 80 qofood oo ka cabanaya musuqmaasuq la xiriiro cunto gargaara oo jawhar lagu qaybiyay,taas oo ay dadku sheegayeen in lagu bixiyay hab qabiil ,iyadoo dad noloshooddu sareeyso loogu geeyay guryahoodda halka iyagana lagu qadiyay.

Wariyaha 22 jir ah ,wuxuu ku dhashay Magaaladda Jowhar isagoo seexa jiray dhulka xabsigg oo aad u liitay dhinaca Caafimaadka.
Mudadii uu xirnaa Maxamed Amiin waxaa xabsigga kula dhacday Malaariyadda wuxuuna haatan ku sugan yahay Jowhar isagoo xanuunsanaya.


ASOJ waxay ugu baaqeeysaa Maamulka Sh/dhexe inay ilaaliyaan madaxbanaanidda Jaraa’idka,waxayna aad uga xanuunsaneeysaa Wariyahaas sedexda cesha ku xirnaa xabsigga Jowhar.

Dahir Abdulle Alasow
Mogadishu - Somalia



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip