Xuska Sanad guuradii 7-aad ee ka soo wareegtay Aas-aaskii Naadigga Saxaafadda Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu qabtay
Sanad guuradii 7-aad ee Aas aaska Naadigga Saxaafadda
Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Xarunta KMG ah ee Naadigaas uu ku leeyahay
Magaaladda Muqdisho.
Xafladaan oo ay ka soo
qaybgaleen in ka badan laba boqol oo bahda Saxaafadda ah ayaa Shahaado lagu
gudoonsiiyay shan arday oo dhameeysatay Waxbarashadda,taas oo ahayd laba
sanadood.
Weriyaasha Juunyeerka ah ee Maanta Shahaadada la gudoonsiiyay ayaa
kala ah ,Maxamed Bashiir Cabdi Raxmaan,Cabdilahi Dahir Maxamed,Faysal Maxamud
Cali,Sahro Maxamud Cali,Sagal Cismaan Coloow.
Gudoomiyaha Naadigga Saxaafadda
Soomaaliyeed Inj Mukhtaar Xasan Maxamud oo khudbad gaaban ka jeediyay Xafladaas
ayaa sheegay in markii la aas aasayay Naadigaas ay Saxaafadda ku ekeeyd Muqdisho
iyo Hargeysa oo qura,balse ay haatan mareeyso Dhamaan Goboladda Dalka oo
dhan,sidaas si la midana ay Naadigaan ka baxeen Saxaafiyiin ka badan afar
boqol,kuwaas oo 80% ay hada ku shaqeeystaan xirfadaas.
Injineer Mukhtaar
wuxuu ku nuuxnuuxsaday in Wariyaasha Waxbarashadda ka qaata Naadigga aan wax
lacag ah laga qaadin oo qaab samafala ,wax loo baro.
Cilmi Cismaan faarax
Boodhari oo ka mida Wariyaasha ugu caansan Muqdisho,si wayna loo xiiseeyo qaab
wareedkiisa ,una hadlayay Jiilka Cusub ee Saxaafadda ayaa farta ku fiiqay in
Saxaafadda %90 ay u dadaasho horumarka dalka sida ,Waxbarashadda,dhaqaalaha
Caafimaadka iyo wacyigelinta guud ee bulshadda,isagoo dhinaca kalana xusay inay
Wariyaasha Muqdisho ku hoowlgalaan nolol adag,maadama aysan helin mushaaraad ku
filan.
Madaxa
Warfaafinta ee Golaha Maxaakiimta Sheekh Cabdi Raxiim Muudeey oo isagana halkaas
ka hadlay ayaa Suxufiyiinta ugu baaqay inay ka qaybqaataan Difaaca Dalka iyo
Diinta,isagoo dhinaca kalana Xusay inaysan Saxaafadda Soomaaliya dhex dhexaad ka
noqon Karin arrimaha jira,marka la eego cadowga dalka ku soo wajahan ee
Tigreegga.
Naadigga Saxaafadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu tilmaamaa kobciyaha
Waxbarashadda Saxaafadda Soomaaliya,isagoo noqonayo Naadigga bixiyay tababarkii
ugu badnaa ee Warfidiyeenadda Soomaaliya la siiyo.
Khadan Sheekh
Axmed
Mogadisho – Somalia
[email protected]
Xuska Sanad guuradii 7-aad ee ka soo wareegtay Aas-aaskii Naadigga Saxaafadda Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu qabtay