Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland iyo Socdaalkiisii Muqdisho 14 sano kadib.(Daawo sawiradii laga qaaday).
Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA
Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) ayaa 14 sano kadib ,waxaa uu booqasho sedex
maalmood qaadatay ku yimid Magaaladda Muqdisho.
Gudoomiyaha Solja oo ay Muqdisho ku soo dhaweeyeen
Wariyaasha Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa booqday Goobo
muhiim ah oo ay ka mid yahiin ,Wasaaraddii Warfaafinta ee Radio
Muqdisho,Xaruntii Villa Soomaaliya ,Tiyaatarkii Qaranka,Taaladii Sayidka iyo
dhamaan Degmooyinka Magaaladda Muqdisho.
Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta
Somaliland ee SOLJA Mustafe Shiine ayeey Mas’uuliyiinta ASOJ ku soo wareejiyeen
guud ahaan qaybaha kala duwan ee Idaacadii Qaranka,isagoo sidoo kalana la kulmay
Agaasimaha Idaacadaas Cabdi risaaq Bahalaawi.
Mustafe Shiine oo ay
Muqdisho ugu dambeeysay 1992-dii ayaa sidoo kale waxaa uu la kulmay Madaxda sare
ee Xafiiska Warfaafinta Maxaakiimta Islaamka.isagoo booqday Degmadii uu ku
dhashay ee Waaberi.
Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa Gudoomiyaha
SOLJA qada sharaf ugu sameeyay Hotelka Peace International ee Muqdisho,wuxuuna
Mr Shiine ku nuuxnuuxsaday in Muqdisho mudadii uu joogay uusan arag wax qori
sito,isagoo sidoo kale sheegay in marka dhab loo hadlo haatan la oran karo
Muqdisho waa Nabad.
Gudoomiyaha Ururka Isu Taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ
Dahir Abdulle Alasow ayaa ku nuuxnuuxsaday in Urur ahaan ay aqoonsan yahiin
Jamhuuriyadda Somaliland,sidaas daraadeedna ay soo dhaweeynayaan dhamaan xubnaha
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA hadii ay doonayaan inay booqashooyin ku
maraan dhamaan goboladda koofurta Soomaaliya.
Mr Dahir Alasow,wuxuu tibaaxay inay
farxad wayn u tahay booqashadda Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland uu ku
yimid Muqdisho.
Khadan Sheekh Axmed
Mogadisho –
Somalia
[email protected]
Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland iyo Socdaalkiisii Muqdisho 14 sano kadib.(Daawo sawiradii laga qaaday).