Saxaafadda oo guddi gaara u magacaawday wada hadaladda Maxaakiimta ee 13-ka qodob.

0
Monday July 05, 2010 - 04:18:19 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saxaafadda oo guddi gaara u magacaawday wada hadaladda Maxaakiimta ee 13-ka qodob.

    Dhinacyadda Warbaahinta Soomaaliya ayaa markii ugu horeeysay maanta guddi ka kooban shan xubnood u magacaawday wadahadaladda Maxaakiimta iyo turxaan bixinta 13-kii qodob ee sharuucda Saxaafadda loogu magacdaray kana soo baxay Xafiiska Iclaamka iyo da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhinacyadda Warbaahinta Soomaaliya ayaa markii ugu horeeysay maanta guddi ka kooban shan xubnood u magacaawday wadahadaladda Maxaakiimta iyo turxaan bixinta 13-kii qodob ee sharuucda Saxaafadda loogu magacdaray kana soo baxay Xafiiska Iclaamka iyo dacwadda ee Golaha Maxaakiimta.
Guddigaas la magacaabay oo kala matalayay Ururadda Saxaafadda,Idaacadaha ,Wargeysyadda iyo Website-yadda ayaa ka koobnaa sharciyan afar xubnood,waxaase markii dambe lagu soo daray Cabdiqaadir Walaaye oo helay xubin sharafeed,maadama uu ka mid yahay Wariyaashii hore ee Somaliya.

Magacaabista xubnahaas matalaya Saxaafadda Soomaaliya ayaa timid kadib markii buuq fara badan dhacay oo Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ASOJ ahna Xoghayaha Guud ee NUSOJ Dahir Abdulle Alasow ka biyo diiday in Ururadda Saxaafadda uu metelo Cabdiqaadir Walaayo oo uu ku tilmaamay nin hoos taga Cumar Faaruuq oo aan cidna matalin,kuna qaraabta magaca Saxaafadda.


Mr Calasow wuxuu ku adkeeystay inuusan sina ku aqbali karin Cabdiqaadir Walaayo iyo Cumar Faaruuq inay matalaan Ururadda Saxaafadda Soomaaliya,wuxuuna ku baaqay in shirka dib loo dhigo ,si uu la tashi ula soo sameeyo Gudoomiyaha NUSOJ Maxamed Xaaji Barre { Fiyoore} iyo guddiyadda labada urur ee NUSOJ iyo ASOJ.

Xoghayaha Guud ee NUSOJ ahna Gudoomiyaha ASOJ Mr Dahir Cabdilahi Calasow ayaa ugu dambeeyntii ogolaaday in ururadda uu ka socda ee ASOJ iyo NUSOJ ay u matalaan Yaasmiin Mayoow Maxamed iyo Nuuradiin Macalin Mukhtaar { Diimoow} waxaana guddigaas la isku raacay ugu dambeeyn ,Cali Iimaan Sharmaarke,Xasan Maxamud { Xasan Fanax} Yaasmiin Mayow Maxamed,Nuuraadiin Macalin Mukhtaar iyo Cabdiqaadir Walaayo,waxayna khamiista shan saac ku balameen Idaacadda Hornafrik. 

Shirka Suxufiyiinta ee lagu magacaabay guddigga shanta xubnood ka kooban waxaa waji gabax kala kulmay Xoghayahii hore ee NUSOJ Cumar Faaruuq kadib markii dhinaca aqlabiyadda codka Suxufiyiinta looga adkaaday,waxaana la arkayay isagoo Hotelka uu shirka ka dhacayay ee Peace ka sii huleelayay isagoo madaxa heeysta ,cara fara badana ka muuqato.


Abdikadir Elmi Isse { Honest}

Mogadishu - Somalia



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip