Ururka Isu taga Suxufiyiinta ASOJ oo WHO iyo Unicef ugu baaqday inay magdhaw ka bixiyaan tacadigii garoonka Hargey

0
Monday July 05, 2010 - 04:17:16 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2794
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Isu taga Suxufiyiinta ASOJ oo WHO iyo Unicef ugu baaqday inay magdhaw ka bixiyaan tacadigii garoonka Hargey

    Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa Hay’adaha WHO iyo Unicef ugu baaqay inay magdhaw ka bixiyaan tacadigii naxdinta lahaa ee Weriyaasha Associated Somali Journalists { ASOJ} loogu geeystay Madaarka Hargeysa oo ay ku xirnaayee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa Hay’adaha WHO iyo Unicef ugu baaqay inay magdhaw ka bixiyaan tacadigii naxdinta lahaa ee Weriyaasha Associated Somali Journalists { ASOJ} loogu geeystay Madaarka Hargeysa oo ay ku xirnaayeen mudo iyagoo sooman oo afkoodu xiran yahay.


“ Waa wax laga xumaado in Unicef iyo WHO Weriyaasha Soomaaliyeed ku ridaan god oo ay kaga tagaan,waxaana nasiib daro ah in Wariyaal iyo maamulayaal Warbaahineed ay lix saacadood ka badan ku xirnaadaan madaarka Hargeysa sababa la xiriira Hay’adahaas oo aan aqoonsaneeyn sharciyadda saxdaa ee Xukumadda Somaliland “ sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed Daahir Abdulle Alasow oo Muqdisho Shir Jaraa’id ku qabtay.


“ Weriyaasha lagu xiray Madaarka Hargeysa waxaa ka mida Gudoomiye ku xigeenka ASOJ iyo Wakiilka ASOJ ee goboladda Puntland,inkastoo ay dhamaantood ASOJ yihiin,hadana dimbigu malahan Somaliland ee waxaa iska leh Hay’adaha sibirka beertay ee sida qeeyru mas’uulnimadaa Warfidiyeenadaas uga dejiyay Hargeysa,iyagoo hareer maray Wasaaradda Warfaafinta Somaliland” ayuu si kulul u yiri Dahir Alasow oo ugu baaqay labada Hay’adood ee Who iyo Unicef inay magdhaw cad ka bixiyaan tacadiyadda loo geeystay Wariyaasha ASOJ.

Ugu Dambeeyn Mr Alasow wuxuu u mahadceliyay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo uu sheegay inay kaalin wayn ka ciyaareen sii deeynta Wariyaashii ku xirnaa Madaarka Hargeysa,waloow uu xusay dhinaca kale inay ASOJ la xiriirtay Xukumadda Somaliland gaar ahaan Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Warfaafinta



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip