Kulankii Warbaahinta iyo Maxkamadaha oo ku dhamaaday Jawi Farxadeed kadib markii.
kadib markii Madaxa Warfaafinta ee Maxaakiimta Islaamka Sheekh Cabdi raxiim Muudeey oo shaaca ka qaaday in Warbaahinta Madax banaan tahay balse 13-ka qodob ee ay soo saareen tahay soo jeedin ,loo baahan yahay in laga doodo,isagoo dhinaca kalana xusay inay aad uga fiirsadeen sedex iyo tobanka qodob,iyagoo ka tusaale qaadanaya sharuucda u degsan dowladaha Dalalka Islaamka.
Suxufiyiinta Muqdisho waxay wax laga xumaado ku tilmaameen war
ay faafiyeen Ururka Wariyaasha aan xaduudka lahayn kaas oo la rumeeysan yahay
inay gudbiyeen shaqsiyaad dibad jooga oo ku qaraabta magaca Suxufiyiinta
Soomaaliyeed.
“ runtii warka ay faafiyeen RSF iyo IFJ wuxuu ahaa ayaan
oran karnaa mid lagu degdegay,waayoo wali Warbaahinta Muqdisho cabasho kama soo
yeerin,laakiin tusaale ahaan qodobadaan waa kuwa laga doodi karo ee amar
maaha,xitaa dhinac kale aanu ka eegno,qodobka joojinta heesaha ,dadbaa leh waa
madadaalo,maaweelo,hees kaliya maaha maaweelo,ee waxaa Maaweelo ah ,maqaaladda
wanaagsan oo ay dadku xiiseeyn karaan”sidaasi waxaa yiri Cabdiqaadir Walaayo oo
ay Wakiisheen Wariyaasha Muqdisho inuu u hadlo.
“
Waxaan sugeeynaa soo jeedintiina waxaana aad u jecelnahay in wax walba
hagaagaan,runtii ma aqbali karno Ururo Saxaafadeed oo kala qaybsan sida dalka u
kala qaybsanaa lix iyo toban sano,waxaana horumar lagu gaari karaa isku duubni”
sidaasi waxaa yiri Madaxa Warfaafinta Maxaakiimta Islaamka Sheekh Cabdi raxiim
Muudeey oo intaas ku daray inuu Warbaahinta ka sugayo Jawaab ay kaga hadlayaan
aragtidooda 13-ka qodob ee Maxaakiimta soo saartay.
Wakiiladda
Warbaahinta Muqdisho iyo Ururadda Saxaafadda ayaa dib u balamay maalinta
Talaadada ah ,si ay u magacaawdaan guddi gaara oo matala ,oo la xajooda
Maxaakiimta.
Gudoomiyaha Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee
ASOJ Dahir Abdulle Alasow iyo Madaxa Warfaafinta Golaha Maxaakiimta Sheekh Cabdi
Raxiim Muudeey oo shir gaara yeeshay kulankaas kadib ayaa isla falanqeeyay
arrima badan oo la xiriira sida ay wada shaqeeyn u yeelan karaan Suxufiyiinta
ASOJ iyo Xafiiska Iclaamka ee Maxaakiimta.
Sheekh
Cabdi raxiim Muudeey ayaa u mahadceliyay dhamaan Warfidiyeenadda ku bahoobay
ASOJ kaalinta dhexdhexaadnimo iyo wadaninimo ee ay ka istaageen warkii ka soo
yeeray RSF iyo IFJ.
Labada Mas’uul ee ASOJ iyo Maxaakiimta waxaa kale oo
ay ka wada hadleen sida Suxufiyiinta u heli karaan Madaxbanaani,una fahmi karaan
waxay tahay madaxbanaanidda Saxaafadda.
Kulankii Warbaahinta iyo Maxkamadaha oo ku dhamaaday Jawi Farxadeed kadib markii.
Kulan saacada socday oo u dhaxeeyay Maxkamadaha iyo Warbaahinta Muqdisho ayaa ku dhamaaday jawi farxadeed