Asoj oo guddi gaara u magacaawday 13-kii qodob ee ka soo baxday Golaha Maxaakiimta.
Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa sheegay inay guddi gaara u magacaabeen 13-kii qodob ee ku wajahnaa Saxaafadda Soomaaliyeed,kana soo baxa Dacwadda iyo Iclaamka ee Maxaakiimta Islaamka.
“ASOJ 13-kaas qodob ee ka soo baxday Maxaakiimta waxay magacaawday guddi gaara oo ay isla gorfeeyaan,kadibna wixii aan qodobadaas wixii aan sax u aragno ayaan gudbin doonaa Xafiiska Iclaamka,inkastoo aan aad ugu raja waynahay in golaha Maxaakiimtu raali ka noqon doonaan Madaxbanaanidda .
Jaraa’idka”sidaasi waxaa yiri Afhayeen u hadlay Xafiiska ASOJ Muqdisho oo lagu magacaabo Abdi Fitah Yousuf Mohamud.
Afhayeenka ASOJ wuxuu ku sii nuuxnuuxsaday in ka doodista qodobadaas ay u furan tahay Saxaafadda,sidaasi daraadeedna ay Ururadda Saxaafadeed ee Cambaareeynta aan laga fiirsan .
Maxaakiimta kula dul dhacay ay salfudeed ku tahay,waayoo go-aanadda ka soo baxay Maxaakiimta waa soo jeedin ee amar aan ka laabasho ahayn maaha,waxaana ASOJ ku talisay in laga warsugo natiijadda wadahadaladda Ururadda Saxaafadda iyo Maxaakiimta.