Maxaakiimta oo soo saaray qodobo ku wajahan Saxaafadda Soomaaliya.
1- Saxaafadu waa in aysan tabin wax kasta oo ka hor imaanaya Diinta islaamka, Danta Shacabka iyo Tan Dalka.
2- Warbaahintu waa in aysan sii deyn wax kasta oo iska hor keeni kara Shacabka iyo Maamulka Maxaakiimta.
3- Saxaafadu waa inay Wararka ay tabinayaan ka soo xigtaan ilo xog ogaal ah, isla markaana ay cadeeyaan isha ay ka soo xigteen.
4- Hay’adaha Warbaahinta waa in ay wada shaqeyn fiican la yeeshaan Xafiiska Warfaafinta ee golaha Maxaakiimta .
5- Agaasimayaasha goobaha Warbaahinta waxa ay Mas’uul ka yihiin Wararka iyo Barnaamijyada kale ee ka baxa Warbaahintooda.
6- Warbaahin kasta waa in ay leedahay Xarun muuqata iyo Cinwaan lagala soo xiriiro.
7- Warbaahintu waa in aysan u adeegin Dano shisheeye.
8- Shaqaalaha Hay’adaha Warbaahinta waa inay leeyihiin Aqoon Saxaafadeed iyo Anshax Wanaagsan.
9- Warbaahintu waa in aysan fulin Siminaaro iyo Barnaamijyo kale oo ay wataan hay’ado Ajnabi ah, iyada oo aan ogolaansho laga heysan Xafiiska Warfaafinta.
10- Warbaahintu ma baahin karto Dhaqamada shisheeye ee ka soo horjeeda Diinta iyo Anshaxa suuban sida filimada Qaawanaanta, iyo Dhaqan xumida Xambaarsan.
11- Kama howl gali karto qeybaha ay Maxaakiimtu maamulaan hay’ad Warbaahineed oo aan ka diiwaan gashaneyn Xafiiska Dacwada iyo Warfaafinta ee Golaha Maxaakiimta.
12- Hadii Warbaahintu khalad ka dhaco waa inay dib uga saxdaa isla warbaahinteeda.
13- Warbaahintu waa in aysan Adeegsan Eray bixinta xun ee Gaalada u adeegsadaan Muslimiinta sida Argagixisada, Xagjir IWM.
Maxaakiimta oo soo saaray qodobo ku wajahan Saxaafadda Soomaaliya.