Asoj oo Wariye Macalimuu ku tilmaamtay seefta cusub ee Damujadiid

0
Wednesday May 25, 2016 - 15:15:07 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 3947
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Asoj oo Wariye Macalimuu ku tilmaamtay seefta cusub ee Damujadiid

    ASOJ.ORG - Associated Somali Journalists waxeey cambaareeyneysa Xariga Agaasimaha Goobjoog FM Muqdisho iyadoo falkaas foosha xun ku sifeeysay qorshaha cusub ee Urur Diimeedka Damujadiid ku doonayaan iney ku caburiyaan Saxaafadda madaxabanaan ee Somal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ASOJ.ORG - Associated Somali Journalists waxeey cambaareeyneysa Xariga Agaasimaha Goobjoog FM Muqdisho iyadoo falkaas foosha xun ku sifeeysay qorshaha cusub ee Urur Diimeedka Damujadiid ku doonayaan iney ku caburiyaan Saxaafadda madaxabanaan ee Somalia.

"Mohamed Ibrahim Macalimuu ayaa ka dambeeya Xariga lagula kacay Agaasimaha Goobjoog FM iyo Wariye ka tirsan Shabelle,wuxuuna doonayaa inuu soo deeyntooda magac ku raadiyo” ayuu yiri Gudoomiyaha Asoj Mr Dahir Alasow .

Dahir Alasow wuxuu Mohamed Ibrahim Macalimuu ku tilmaamay seefta cusub ee Damujadiid dooneyso iney ku leeyso Wariyeyaasha madaxabanaan ee Soomaaliyeed.

"Wariye Macalimuu wuxuu ahaay nin degan oo edeb badan laakiin sida muuqata hadda maskixiyan ma Caafimaad qabyo,waxaana wax u dhimay qaraxii uu ku dhaawacmay ee Liido Beach” ayuu yiri Dahir Alasow oo sheegay iney jiraan Wariyeyaal badan oo Mohamed Ibrahim Macalimu doonayo inuu xiro.

Wariyeyaasha Mohamed Ibrahim Macalimuu rabo inuu xiro waxaa ka mida Abukar Sky,Shiikhaalow,Xuseen Baari,Yasmiin Mayow,Muse Jiisow iyo Mohamed Mohamud Jimcale. 

Wariye Mohamed Ibrahim oo horey uga shaqeeyn jiray BBC Somali wuxuu heshiis la galay Urur diimeedka Somalia ka taliya ee Damujadiid ,iyadoo markii dambena si been abuura loo sheegay in loo xilsaaray Gudoomiyaha Suxufiyiinta Somalia.

Associated Somali Journalists waxeey shir ku sheegaas ka dhacay City Palace u aragtaa Riwaayad ku dhamaatay fashil.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip