ASOJ oo cambaareeysay Maamulka Somaliland

0
Thursday January 12, 2012 - 14:27:36 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 4629
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ASOJ oo cambaareeysay Maamulka Somaliland

    ASOJ.ORG

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ASOJ.ORG

Associated Somali Journalists ayaa cambaareeysay tacadiyada joogta noqday ee Xukumadda Somaliland ku xirtay Suxufiyiin madaxbanaan oo kala jooga Borama  iyo Laascaano.

ASOJ waxay tibaaxday in Xukumadda Somaliland Magaaladda Borama ku xirtay laba Wariye oo kala ah  Mohamed Omar Hayne iyo Ali Ismael Aare (11-01-2012 ),halka dhinaca kalena ay Maxkamadda Borama xukun cadaalada ka fog ku riday Wariye Yusuf Abdi Ali oo ka tirsan Royal Tv (10/1/ 2012)


09-01-2012 waxay Ciidanka Somaliland ku xireen Magaaladda Laascaano sedex Suxufi oo kala ah Wariye Abdikhani Hassan Farah oo ka howlgala Universal Tv ,Barkhad Omar Abdi iyo iyo Abdirahman Ali Ducale oo u shaqeeya Horn Cable Tv,waxaana nasiib daraa inay gelin wax dimbiyo balse loo jirdilay cabsi gelin si shaqadooda looga xanibo.

“Beesha Caalamka iyo dhamaan Hay’adaha taageerada siiya Xukumadda Somaliland waxaan ugu baaqeeynaa inay ka laabtaan gacanta ay siinayaan  maamulka Siilaanyo si loo saaro cadaadis Caalamiya” ayuu yiri Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ASOJ Mr Dahir Alasow.

Dahir Alasow wuxuu tilmaamay in Saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland afka la qabtay,wuxuuna sidoo kale xusay in tacadiyada ugu badan lagu hayo Wariyeyaasha ka soo jeeda goboladda Sool iyo Awdal.

ASOJ waxay Hay’adaha xaquuqul Insaanka waydiisatay inay xil iska saaraan difaacida xaquuqda iyo xoriyatul qowlka Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Associated Somali Journalists ASOJ waxay Warsaxaafadeedkeeda ku cadeeysay in Xukumadda Somaliland dhegaha ka fureeysatay ku dhaqmida qodobada ku qoran Dastuurka u degsan iyo joojinta tacadiyada sii kordhaya ee Saxaafadda madaxabanaan lagu hayo.

ASOJ waxay u mahadcelineysaa Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo isu xilsaaray u doodista xaquuqda Suxufiyiinta.

By Fadumo Farah



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip