Wariye iyo Farshaxaniiste Somalia loogu necbaa hadana loogu jecel yahay.

0
Monday July 05, 2010 - 06:01:45 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 5324
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye iyo Farshaxaniiste Somalia loogu necbaa hadana loogu jecel yahay.

    Mogadishu 15 April 2010 Asoj.org -

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mogadishu 15 April 2010 Asoj.org -
Farshaxaniiste Amin Amir Mohamed iyo Wariye Dahir Abdulle Alasow waxay noqdeen labada loogu necbaa Somalia intii u dhaxeysay 2005-2009 maxaa yeelay waxay si weyn u faafiyaan sawir gacmeedyo iyo Warbixino ka hor imaanaya siyaasadda kooxaha sheegta Islaamiyiinta Somalia.

Amin Arts wuxuu si joogtaa u faafiyaa Sawir gacmeedyo uu ku muujiyo tacadiyada ay geysanayeen kooxahii ku mideeysnaa Golahii Midowgii Maxaakiimta.ee fashilka iyo isnaceybka ku aakhirsaday.
Kartooniska Amin Arts waa kuwa aan laga xiisa dhaceeyn oo ku saleeysan xaqiiqada waxa ka jira gudaha Somalia iyo hab dhaqanka siyaasiyiinta garabyadda.


Wariye Dahir Alasow wuxuu ahaa Wariyahii ugu horeeyay ee si toosa wax uga qoray kooxda Mayalka adag ee Al-Shabaab sanadkii 2005-2010,waxay Somali badan ku naceen faalooyin uu ka qori jiray qatarta ka dhalan karta in la taageero kooxda Al Shabaab iyo isagoo sheegay magaca runtaa ee Hogaamiyaha Al-Shabaab Ahmed Abdi Aw Mohamud Godane oo isu bixiyay (Sheik Mukhtar Abu Zubeyr)13 March 2004.
Wuxuu sheegi jiray in kooxaha sheegta Islaamiyiinta gaar ahaan Al-Shabaab yihiin koox ku xiran Al Qaeda.
Dahir Alasow, Waa senior Journalist ka soo shaqeeyay Idaacada iyo telefishinkii STN TV hadana waa hogaamiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ,iyo Tifaftiraha guud ee Waagacusub.com.
Warbixin laga qoray sanadka cusub ee 2010 lana soo dhigay barta Internetka ayaa lagu yiri” Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com, and outstanding commentator with fearless check on actions of the political groups and others players through investigative journalism, plus defender of the public interest and voice to the voiceless through "the truthful tip of his truth pen"
Al-Shabaab iyo Islaamiyiinta Somalia oo taageero badan ka heystay shacabka ayaa sababtay in Kartooniste Amin Amir iyo Dahir Alasow noqdaan labada Journalist ee Somalia loogu necbaa,loona arkay inay ku shaqeeynayeen fikrado shisheeye hasse yeeshee sanadka 2010 waxay noqdeen labada loogu jecel yahay Somalia ee sida joogtadaa loo xiiseeyo websiteyada ay fikradahooda ku bandhigaan.
Dahir Alasow iyo Amin Arts waxay kooxda Al Shabaab ku riday xukun la xiriira in la dilo,oo lagu bartilmaameedsado halka ay joogaan laakiin weli waa ay nool yihiin oo waxay labadooda kala degan yihiin Canada iyo Netherlands.
Dahir Alasow Websiteka uu maamulo ee Waagacusub.com ayaa noqday kan Somalida ugu booqashada badan tahay maxaa yeelay wuxuu ku faafiyaa warar xasaasiya oo lagu sheego wax dhici doona oo isbedelo xambaarsan.
Waagacusub.com laba sano ka hor ayey kooxda Al Shabaab ka mamnuucday in laga akhristo degaanada ay maamusho ee gudaha Somalia waxaana la xiray,la dilay dad iyo Wariyeyaal looga shakiyay inay si hoose ula shaqeeyaan.
Wariye Alasow waxay dadka qaarkiis rumeeysan yihiin inuu ku xiran yahay Saraakiisha sare ee arrimaha Somalia gaar ahaan Wardoonka maxaa yeelay wuxuu soo bandhigaa dhacdooyin ducomentsyo leh sida ninkii isku qarxiyay Hotelka Shamo Mogadishu 3 December 2009.oo ahaa nin ka tegay Denmark una dhashay beesha Ogadenia.
Dahir Alasow wuxuu faafiyaa warar ku saleeysan xaqiiqada iyo faalooyin,waxaana xusid mudan waxyaabaha uu qoro inay run noqdaan sanad ama bilooyin kadib sida in Kursiga Madaxweynenimada Somalia loo wado Madaxweynaha xilligaan ee Shariif Sheekh Ahmed iyo weerarada inta badan ay ku kacaan Al-Shabaab.
Xilli Shabaabka aad looga baqo ayaa Waagacusub.com la soo dhigay laba sano ka hor meydadka Saraakiisha sare ee Al-Shabaab kadib markii lagu dilay dagaal ka dhacay Magaaladda Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Warbaahinta madaxa banaan ee Somalia oo cabsi darteed aan faafin jirin wararka Al Shabaab hada waxay u muuqdaan inay cabsidii faraha badneed ka baxayaan,una istaageen inay sheegaan xaqiiqooyinka iyo tacadiyada ay ku kacayaan kooxda Al-Shabaab mar hadii ay nool yihiin Amin Arts iyo Dahir Alasow.English in this article
By Mss Farhiya Mohamed
Mogadishu,Somalia


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip