Sedex Weriye oo kursiga Madaxweynenimada Mustaqbalka isku heysta.

0
Monday July 05, 2010 - 05:58:46 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 4981
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sedex Weriye oo kursiga Madaxweynenimada Mustaqbalka isku heysta.

    Neirobi 17 November 2009

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Neirobi 17 November 2009

Abdi Nasser Mohamud Omar Zero wuxuu ka mid yahay Weriyeyaasha Somalia ugu caansan,wuxuu ka soo shaqeeyay Idaacadaha dalka sida Codka Shacabka (Ex Radio Mogadishu),Hornafrik STN iyo Simba Radio.
 

 


Abdi Nasser Zero waa Weriye Codkara oo shaqadiisa u jajaban,waxaan ka mid ahay Weriyeyaasha ay mudada wada shaqeeyeen,waxaana xusid mudan inuu ku qornaa barnaamij aroorta subaxnimo ka bixi jiray STN Radio,kaas oo ay Weriyeyaal badan ku adkeed inay u soo kalaxaan hasse yeeshee isaga maalina waqtigiisii kama dib dhicin.

Sheekada xiisaha badan waxay tahay in Weriye Abdi Nasser Zero dadka ugu jecel yahay qofka ugu yeera Mudane Madaxweyne.

Zero wuxuu isku arkaa inuu yahay Madaxweynaha Mustaqbalka ee Somalia,.wuxuu Msn Chat ama Emailkiisa ku hardhaday MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA ISLAMIGA EE SOMALIA MUDANE ABDI NASSER MOHAMUD OMAR ZERA.

Abdi Nasser hadaad ku salaanto Mudane Madaxweyne wuxuu kuugu jawaabayaa “Mudane Raisulwasaarre,Mudane Wasiir hebel”

Jawabta ZERO waxaa ka dhex muuqato inuu xilka Ra’isulwasaarenimada u ogol yahay qofkastoo aqoonsan inuu yahay Madaxweynaha Mustaqbalka dhaw ee Somalia hasse yeeshee waxaa jagada Madaxweynenimada Somalia ku heeysta laba Weriye oo labadooduba ay qadiyadooda jagadaas fog tahay.

Abdi Nasser Mohamud Omar Zero tan iyo intii aan saaxiibka ahayn wuxuu ku haminayay inuu Somalia ka noqon doono Madaxweyne,wuxuu Somalia ka dhigan jiray Jaamacad Culuumta siyaasadda iyo taariikhda,wuxuu sidoo kale Kenya u tegay Waxbarasho ,hada wuxuu joogaa Washington,USA wuxuuna inta badan waqtigiisa siiyaa daraasad la xiriirta siyaasadda iyo waxyaabaha looga baahan yahay Madaxweynaha.

Awil Dahir Salaad wuxuu ka mid yahay Weriyeyaasha Somalia ugu caansan,waa qoraa hal abuur badan oo codkara,wuxuu ka mid ahaa Weriyeyaashii ka shaqeeyn jiray Idaacadii Waqooyiga Mogadishu,wuxuu qoray sheekooyin laga xasuusto Ambabixi Mogadishu,wuxuu ka soo shaqeeyay Idaacadda iyo TVga Hornafrik,oo heer Agaasin ka gaaray.

Awil Dahir Salad oo inta badan noloshiisa Waxbarashada Siiyay wuxuu tan iyo 1991 jecel yahay in loogu yeero Mudane Madaxweyne,wuxuu mudo wax ka baranayay Magaalada London ee dalka Ingiriiska,waxay hiwaayadiisa tahay inuu cilmi baaris ku sameeyo waxyaabaha looga baahan yahay Madaxweynaha iyo sida ay u shaqeeyaan Madaxweynayaasha dunida.

Awil Dahir Salaad hadii aad ku tiraa “ Mudane Madaxweyne waan ku salaamay”Wuxuu kuugu jawaabayaa” Sharaf ayey kuu tahay inaad Madaxweynahaaga salaantid,uguna yeertid derajadiisa xileed”
Awil Dahir Salaad si sahlan ugama heleeysid derajo ka badan Sharaf ayey kuu tahay,hadii aad weeydiisid xilka laga yaabo inuu kuu magacaabi karo marka uu Madaxweynaha Somalia noqdana wuxuu ku leeyahay “ Waxaa loo fikirayaa booska aad uga wanaagsan tahay Hay’adaha Qaranka Somalia”
Awil marka uu soo galo Aalada wada sheekeeysiga waxaa halku dhigiisa yahay “MADAXWEYNAHA DOWLADDA ISBEDEL DOONKA DALKA SOMALIA”

Mowliid Hajji Abdi waxaa uu ka mid yahay Weriyeyaasha ugu caansan Somalia,wuxuu ka soo shaqeeyay idaacada Codka Shacabka ,Ex Radio Mogadishu,wuxuu Agaasime ka yahay SBC Radio and Tv,wuxuu ilaa yaraantiisii jeclaa xilka Madaxweynenimada,wuxuu u lebistaa qaab heer Madaxweyne,wuxuu had iyo heer Jaakada ama Shaarkiisa ku xirtaa astaanta Calanka Somalia,
Sawirada uu galo Mowliid Hajji Abdi badankood waxay leeyihiin Background Calanka Somalia marka aad si qotta dheer u sii fiirisid mararka qaar wuxuu ku lebistaa dharka astaanta Madaxweyneyaasha iyo Jeneralada Ciidamada u gaarkaa.waana u balwad inuu sawir ku galo Xafiis qalabeeysan.

Mowliid wuxuu aaminsan yahay inaysan kursiga Madaxweynenimada kula tartami Karin Awil Dahir iyo Abdi Nasser Zero,wuxuu ka rajeeynayaa inay labada Weriye u tanasulaan,wuxuuna u balanqaadayaa inuu xilal Safiirnimo u magacaabi doono.

Internetka marka uu soo gelaya waxaa Msn-ka ugu qoran “ MADAXWEYNAHA MUSTAQBALKA EE JAMHUURIYADDA DIMOQORAADIGA SOMALIA MUDANE MOOWLIID HAJJI ABDI”

Mowliid hada wuxuu Magaalada London u joogaa Waxbarasho,wuxuu la yaaban yahay hogaan xumida heysata Somalia,wuxuu isu arkaa Madaxweynaha ugu haboon ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed u horseedi doona Cadaalad iyo Horumar.

Muuqaal ahaan sedexda Weriye dhamaantood way u qalmaan Madaxweynenimo,waxay leeyihiin weliba Style Madaxweynenimo .

Sedexdooda lagama yaabo inuu midkood tanasulo,waxay ka siman yihiin xagjirnimada xilka Madaxweynenimada.

Hadii lagu kala furdaamin lahaa inay kala noqdaan,Madaxweyne,Ra’isulwasaarre iyo Gudoomiye Baarlamaan suurtagal maaha,oo waxaa u diidaya habka awood qeybsiga 4.5 maxaa yeelay dhamaantood waa isku beel.
Hadii xitaa la oogo xeer hoosaad laalaya awood qeybsiga 4.5 waa arrin aan suurtagaleeyn in sedex nin oo isku reera kala qaataan hogaanka dalka.

Ugu dambeeyn Warbixintaan aan ugu tala galnay jawi bedelka akhristayaasha Waagacusub,waxaan sedexda Madaxweyne ku casuumeeynaa bal inay shacabka Soomaaliyeed u soo gudbiyaan waxqabadkooda Mustaqbalka iyo talooyinka ay isu jeedinayaan si midkood loogu tanasulo.

By Dahir Abdulle Alasow



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip