ASOJ oo cambaareysay Daallo Airlines.

0
Monday July 05, 2010 - 05:49:51 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 4687
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ASOJ oo cambaareysay Daallo Airlines.

    Mogadishu 17 October Setember 2009

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mogadishu 17 October Setember 2009 Ururka isu taga Suxufiyiinta Somalia ee ASOJ wuxuu cambaareeynayaa tilaabooyinka foosha xun ee Maamulaha Daallo Airline ku qalqal geliyay Wargeyska Maalmaha ee ka soo baxa Magaaladda Hargeysa Jamhuuriyadda Somaliland.
Gudoomiyaha Daallo Airlines Muniir Hajji Abdullahi waxay Asoj u aragtaa nin dhaqaalaha uu heeysto ugu awood sheeganaya Saxaafadda Saboolkaa ee Somalia iyo Somaliland.

“ Waxaanu nasiib daro u aragnaa hanjabaada iyo caga jugleynta uu Maamulaha Daallo Airlines Muniir Hajji Abdullahi kula kacay Wargeyska madaxa banaan ee Maalmaha isagoo inkiraya ama ay la xumaatay war uu siiyay Website-ka Waagacusub.com kuna cambaareeyay Amiirka Al-Shabaab Ahmed Abdi Aw Mohamud Godane”


Associated Somali Journalists ASOJ waxay gebi dhacleeynta Muniir Hajji Abdullahi u aragtaa dhaqan la mida kan hogaamiye kooxeedyada dagaalka Somalia ama keligii talisyadii soo maray Africa ee dagaalada qaraar la galay Madaxbanaanida Jaraa’idka.

Ururka Suxufiyiinta Asoj wuxuu Xukumadda Somalia iyo Somaliland ugu baaqayaa inay dabagal ku sameeyaan hab dhaqanka maamulka Daallo Airlines.

Ugu dambeyntii Associated Somali Journalists waxay Oogeysaa dacwad ka dhana Muniir Hajji Abdullahi maadama uu yahay nin heeysta baasaboor ajnabi.

Somalia iyo Somaliland waxay ka mid tahay dalalka Africa ee lagu waxyeeleeyo Saxaafadda madaxa banaan,waxaana arrimahaas oo dhan u sababa dhaqaala xumida heeysata Warbaahinta iyo maalqabeenada dalalkaas oo aad u jecel inay Saxaafadda u adeegsadaan hadba sida ay jecel yihiin.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip