Doorashada guddiga Wariyasha dibad jooga oo indhaha lagu wada hayo+ Sawiro

0
Monday July 05, 2010 - 05:39:30 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 3805
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada guddiga Wariyasha dibad jooga oo indhaha lagu wada hayo+ Sawiro

    Nayrobi 10 Setember 2009

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nayrobi 10 Setember 2009


Doorashada la filayo inay dhacdo jimcaha nagu soo fooda leh ayaa muuqaal hagaagsan u noqonaysa midnimada ay gaareen wariyasha Soomaaliyeed ee soo barakacay, badankoodna ku nool wadamada geeska afrika gaar ahaan wadanka Kenya.

 Qaar badan oo kamid ah wariyasha Somalida eek u noolaay wadamada Ugandha, Jabuti iyo maamulka Somaliland ayaa magalada Nairobi yimid si ay uga qeyb noqdaan doorashada, una dhiibtan codkooda.


Tiro wariyaal o u dhexeysa 55-84 ayaa la saadalinayaa inay codkooda dhiiban doonan maalinta Jimcaha (11-septemper-2009) marka xarunta Kalsan Centre ay wariyasha iskugu yimadan.

Guddiga doorashada ayaa howshooda si dar dar ah u wado iyagoona diyaariyay xeerarkii ay ku dhici lahayeen doorashada una wada gudbiyay inta badan wariyasha ka qeyb galayo doorashada.

Doorasho ku dhacda si cadaalad ah ayaa waxa keeni doonta in kooxda la doorto inay hogaamiyaan wariyasha dibad jooga ay helaan fursado muhiim ah oo wax ugu qaban karaan xaalada cakiran ee suxufiyinta Somalida ee soo barakacday.

Sidoo kale waxa indhaha ku haya doorashadan ururada saxafada Somalida oo qaarkood ay soo dhaweyen inay wariyasha midooban, sameystaane doorasho xalaal ah, halka qaar ay diidan yihiin oo ka fikirayaan sidi ay u hor istaagi lahayeen.

Suxufiyinta Somalida eek u kala nool dafaha caalamka ayaa soo taagero u balaaran usoo gudbinayo muqaalka dimuqraadiyada ku dheehan tahay ee dorashada gudomiyaha guddiga suxufiyinta dibad jooga lagu doonayo inlagu doorto.

Midnimo kasta oo gaaran wariyasha dibad jooga gaar ahaan kuwa iminka ku sugan magalada Nairobi oo ah aqlabiyada ugu badan inay keento midnimo sal baraaran oo dhamaan wariyasha Somalida ee dunida ku kala fiiraarsan ay isla qaataan.

Maxamed C/Nuur Maxamed "Sacudi"
+254-710233216



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip