Gudoomiyaha ASOJ oo fariin u diray Weriyeyaasha Nairobi.

0
Monday July 05, 2010 - 05:38:32 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 4030
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha ASOJ oo fariin u diray Weriyeyaasha Nairobi.

    Breda 08 Setember 2009

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Breda 08 Setember 2009




Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta Somalia ee ASOJ Dahir Abdulle Alasow ayaa Weriyeyaasha Soomaaliyeed ee ku sugan Magaaladda Nairobi kula taliyay inay cadaalada u hiiliyaan oo ka xoroobaan qoowleeysatada magaca Saxaafadda Somalia ka dhigatay NGO.

 


."Weriyeyaasha waxaan leeyahay waa baahanahay baqtiga looma cuno,been iyo turafatoornimo hore ayaad uga daasheen,jaanisku wuxuu idin horyaalaa maanta ,warhooy ka faa'iideeysta oo hogaan cadaalada doorta,waxaana hubaa hadaad doorataan inaad ka baxeeysaan magaca MA LIIBANAYAASHA LAGU LIIBAANO,Waxaa sharaf iyo karaama idinkuugu jirtaa inaad gebi ka tuurtaan labada shaqsi ee calooshaad u shaqeeystayaasha,iskana rideen heeryada qoowleeysatada"ayuu yiri Dahir Abdulle Alasow.
Gudoomiye Dahir Alasow wuxuu tilmaamay in Musharaxa Mohamed Siidii yahay Weriye qunyar socoda,oo mudan in hogaanka loo doorto.


"Sahra keef,Laylo Sheekh Aadan,Canab Cabdi Ahmed,Sahra Ahmed,Muna Hassan Hussein,Maryan Zeylaci,Aadan Kismaayo,Aweys Foodeey,Sunni Said Saleh,Fuad Mohamed Elmi,Mohamed Mascuud,Da'ud Abdi Da'ud,Said Baaffo,Hassan Baaffo,Sunni Said Saleh,Hassan Ali Geeseey,Shidane Dabaan,Abdulkadir Dulyar,Ahmed Isse Qulaan,Abdi Sitaar Dahir Sebriye,Ismael Shakeeti,Mursal Quule,Ismael Buur,dhamaantiin Saaxiibayaal waxaan fariinteeyda idiin soo marinayaa Warbaahinta maadama aan shaqsiyadiina aqaan,kalsooni buuxdana idinku qabo,waxaana idin leeyahay gunta u xirta oo doorashada ku garab istaaga Mohamed Siidii,maxaa yeelay waa inaan danta guud u tanaasulno,waa inaan meesha ka saarno kumaa naga tirsan,kumaan isku siyaasad nahay,waxaan ula jeedaa inaan hore u qaadno tilaabo ku dayasha mudan"ayuu yiri Gudoomiyaha Associated Somali Journalists (ASOJ)


Hogaanka Asoj,wuxuu beesha Caalamka iyo Hay'adaha Saxaafadda aduunka ugu baaqay inaysan iska indha tirin nolosha ciriiriga ee Weriyeyaasha soo barakacay ku nool yihiin, Kenya,Uganda,Jibouti,Ethiopia iyo Somaliland,wuxuuna sidoo kale ganacsatada Soomaaliyeed ee geeska Africa ka codsaday inay wax taraan Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku rafaadsan degaanada ay joogaan.

"Ganacsatada Soomaaliyeed ee daruufaha adag ku eeganaya Weriyeyaasha soo barakacay,waxaan u sheegayaa in Weriyeyaasha yihiin Afhayeenada shacabka rayidka,una taagan yihiin astaanta qaranka,sidaas daraadeed waa idinku ceeb hadii agtiina macluul ugu dhintaan ama dhaqaalo xumo looga saaro guryaha ay degan yihiin ee garasha dheeriya muujiya"ayuu yiri Dahir Abdulle Alasow.

Mr Alasow wuxuu amaan iyo mahadnaq balaaran u jeediyay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Jibouti,wuxuuna ku bogaadiyay sida xilkasnimada leh ee ay dhaqaalo bilkastaa ugu qoreen Lixda Weriye ee Jibouti ku jooga cabsi ay kaga soo carareen dalkooda Somalia.sidoo kalena wuxuu hambalyo gaara u diray Weriyeyaasha Jubooyinka iyo Gedo,isagoo ku tilmaamay Suxufiyiin ka dhoowrsaday gacan hoorsi iyo gun nimo marxalad kastoo ay soo mareen,qaarkoodna weli ku nool yihiin.


"Weriyeyaasha Jubooyinka iyo Gedo waxaan fursadaan ku leeyahay,Halgankii aad hormuudkiisa ahaydeen,hashii looga furtay qoowleeysatada horarka Saxaafadda waa fool,maalinteey dhaleeysay ma foga,hadii ay dhashana ,caanaheedu waa Qaran,waana guushii farxadeena,runtiina waan ogahay geeridii Weriyeyaasha iyo shaqsiyaadkii maleegay,waxaana ugu dambeyn leeyahay aduun ama aakhiro arxanlaabayaasha dilay waxaa u taal Xisaab,allaha u wada naxariisto dhamaantood.

By Mohamed Osman Sheekh Qadafi
[email protected]
Rotterdam- Holland     



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip