Wafdiga ASOJ oo kulan la qaatay Weriyeyaasha Sweden+Sawiro

0
Monday July 05, 2010 - 05:36:51 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 3983
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdiga ASOJ oo kulan la qaatay Weriyeyaasha Sweden+Sawiro

    Stockholm 13 August 2009

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Stockholm 13 August 2009
Wafdiga Weriyeyaasha ASOJ ee booqanaya Scandenevian-ka ayaa Magaaladda Gotenburg kaga baqoolay safar qaatay todobo saacadood,oo ay ku gaareen Caasimadda dalka Sweden ee Stockholm.

Weriyeyaasha ASOJ oo socdaalkooda Gotenburg ilaa Stockholm ee dhinaca lugta ay ku wehlisay Saxaafiyadda Ikraam Cali Kaar,waxaa Caasimadda si weyn ugu soo dhaweeyay Weriyeyaasha Soomaaliyeed oo qaarkood ka yimid gobolo ku xeeran Stockholm.

Gudoomiyaha Ururka ASOJ Dahir Abdulle Alasow iyo Weriyeyaasha la socda ayaa Suxufiyiinta shir dheer la qaatay,waxaana falanqeyn dheer kadib loogu duceeyay Ali Iimaan Sharmaarke iyo Mahad Ahmed Elmi oo 11 Augost 2007 lagu dilay Mogadishu.

Gudoomiyaha ASOJ wuxuu tibaaxay in socdaalkooda quseeyo sidii Weriyeyaasha Soomaaliyeed u midoobi lahaayeen,loona fashil lahaa shaqsiyaadka magaca Saxaafadda ka dhigtay NGO.



"Waxaa ii farxada oo safarkeeyga iigu hoos qarsan inaan weji ka weji hambalyo u dhaho saaxiibkeey Abdi Rahman Xudeeyfi oo sharcigii qaatay mudo yar"ayuu yiri Dahir Alasow

Abdulkadir Dahir Abdi Indha yare (Abdulkadir Xudeyfi) oo ka mida Weriyeyaasha Somalia ugu caansan,soona noqday Agaasimaha Radio Mogadishu (Codka Shacabka) ayaa soo dhaweeynta Weriyeyaasha ka qeeybqaatay.



Abdulkadir Xudeyfi wuxuu wafdiga Casha sharaf ugu sameeyay Xaafadda Rinkebey ee Stockholm,waxaana maalintii xigtay weriyeyaasha isugu yimaadeen shir muhiima oo lagu falanqeeyay qodoba xasaasiya.

"Sideed sano Saxaafadda waan ka fadhiyay,waxaana ii farxada inaan Stockholm ku soo dhaweeyo wafdiga weriyeyaasha ee Dahir Abdulle Alasow uu hogaaminaa,waxaan leeyahay ku soo dhawaada Stockholm,anigana waan idiin imaan doonaa"ayuu yiri Abdulkadir Xudeyfi.

Gudoomiyaha Ururka dhaqdhaqaaqa Suxufiyiinta haweenka Soomaaliyeed ee WOJA Fardowsa Sheekh Xasan Kuuriya ayaa shirka ka jeedisay khudbad xasaasiya,waxayna si farxadi ku dheehan tahay soo dhaweeyn iyo bogaadin ugu fdidisay Weriyeyaasha ASOJ.


" Waxaan qabnaa sida doodeenu tahay inaan la qaadan karin shaqsiyaadka magaca Saxaafadda Somalia ka dhigtay NGO ,waana in loo midoobi sidii looga hortagi lahaa"ayey tiri ,Fardowsa Kuuriya


Agaasimahii hore ee Radio Somaliweyn Abdi rahmaan Xudeyfi oo kulanka hadal xasaasiya ka jeediyay ayaa tibaaxay inuu aad ugu faraxsan yahay booqashada ay Sweden ku joogaan wafdiga uu horkacayo Dahir Abdulle Alasow.

" Waan ku faraxsanahay inaan maanta la qadeeynayo,oo booqasho igula joogaan weriyeyaasha uu horkacayo saaxiibkeey Dahir Alasow,waxay balanteenu ahayd inaan aniga ugu tago Holland laakiin markii uu maqlay inaan sharcigii helay ayuu kedis iigu yimid,taasna waxay ii tahay farxad iyo inaan garwaaqsado sida saaxiibkeey Dahir ugu riyaaqay sharciga la i siiyay"ayuu yiri Abdi rahmaan Xudeyfi.
 

Layla Abdi Farah oo ka mid ahayd Weriyeyaashii ka shaqeeynayay Idaacadda Shabelle ee Mogadishu uga soo cararay xaalad amaan,ayaa bogaadin u jeedisay Weriyeyayaasha ASOJ waxayna tilmaamtay in iskaashiga Saxaafadu yahay door muhiima,oo lagu yareeyn karo tacadiyada iyo barakaca sanadihii ugu dambeeyay ku dul habsaday Saxaafadda Somalia.


Layla Abdi Farah,oo ka mid ahayd gabdhahii mudada dheer Somalia uga shaqeeyay xaalad amaan xumo,waxay ka mid tahay Weriyeyaasha ku mideeysan daladda Associated Somali Journalists (ASOJ) waxayna ku caan tahay u ololeeynta xaquuqda haweenka.

Layla Abdi Farah,oo ka mida gabdhaha Saxaafadda kuwa ugu qalin dhigaalka wanaagsan,waxay inta badan diyaarin jirtay warbixino ka turjumayo xanuunka gudniinka fircooniga iyo siyaabaha ugu haboon ee waalidiinta uga tanaasuli karaan.

" Somalia hada kama shaqeeyn karto gabadh Saxaafiyada maxaa yeelay inay hadasho waxaaba loo arkaa dimbi,waxaana xusid mudan in mudadii aan ka shaqeeynayay Shabelle helayay fariimo hanjabaada"ayey tiri Weriye Layla Abdi Farah.


Weriye Abdi rahmaan Diiriye Nuur,oo Agaasimay kulanka Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo qada sharafta ayaa dhaliil iyo talooyin is huwan u jeediyay dhamaan Madaxda Ururada ASOJ iyo NUSOJ.wuxuuna ku baaqay in laga fogaado musuqmaasuqa,ku qaraabashada magaca Saxaafadda iyo xukun ku raadis habar wacasho qabiil.

Farhiya MOhamed Mohamud oo ka mid ah wafdiga ASOJ ee soo dhaweeynta loo sameeyay ayaa ka mahadcelisay sida wanaagsan ee weriyeyaasha ugu sameeyeen qada sharafta iyo kulanka qiimaha badan.


"Waxay ila tahay in Suxufiyiinta Somalia looga baahan yahay midnimo,wada shaqeeyn iyo dulqaad,maxaa yeelay gacmo wada jir ayey wax ku jaraan"ayey tiri Farhiya Sabaax

Kulanka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Stockholm,waxaa ugu xiisa badnaa iyadoo ay isku barteen laba Xudeyfi,oo aan taariikhda noloshooda is arag,waxaana sawirka aad arkeeysaan uu yahay Abdulkadir Dahir Abdi Xudeeyfi iyo Abdi Rahmaan Mohamed Hassan Xudeeyfi,oo wada taagan.

Gudoomiyaha Ururka ASOJ ayaa ugu dambeeyntii u mahadceliyay Luqmaan iyo Sahra,oo uu sheegay inay si weyn isugu xilqaameen soo dhaweeyn heer Qaran.

Fiiro gaara: Codadka khudbadaha iyo Video ayaad daawan doontaan inshaa allaah,si aad kulanka Suxufiyiinta Stockholm uga haqab beeshaan.

Saalaxeey

Stockholm-Sweden



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip