Asoj oo ka digtay in Saxaafadda Mujaahidiin ugu yeerto Khawaarijta Somalia.

0
Monday July 05, 2010 - 05:20:55 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2860
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Asoj oo ka digtay in Saxaafadda Mujaahidiin ugu yeerto Khawaarijta Somalia.

    Mogadishu,24 June 2009

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mogadishu,24 June 2009


Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa dhamaan Hay'adaha Warbaahinta ku hadasha afka Somaliga ugu baaqay inay taageeraan halganka lagu difaacayo Qaranimada Somalia laguna wiiqaa kooxaha Khawaarijta ku xiran Al-Qaeda ee tacadiyada baahsan ku hayo shacabka Soomaaliyeed.


"Waxaan u sheegeeynaa dhamaan Saxaafadda ku hadasha af Somaliga inay dimbi ilaah laga galay iyo mid shacabka Soomaaliyeed loogu gefayo tahay in kooxda Khawaarijta ee hooyooyinka iyo caruurta Soomaaliyeed xasuuqaya loogu yeero Mujaahidiin,micnahu wuxuu yahay in laga waantoobo kelmadaas diinta wax loogu dhimaa"ayuu yiri Gudoomiyaha ASOJ Dahir Abdulle Alasow.

Dahir Alasow wuxuu Saxaafadda Somalia ku guubaabiyay inay ka hadlaan tacadiyada ay geeysanayaan Khawaarijta sidagoowraca,qaraxyada,kufsiga,adeegsiga dagaalada ee Caruurta aan qaangaarka ahayn,qodida qabriyada iyo lacagaha baadaa ee xooga looga qaadayo ganacsatadda,dilalka Suxufiyiinta iyo samafalayaasha.

"Walaahi Khawaarijtu Diinta Islaamka ayey dooneysaa in laga wada cararo,waana dimbi weyn in qof dhiig Muslim daadinaa loogu yeero Mujaahid,waxaana leeyahay Saxaafadda hadii aad dhahdiin Mujaahid waxaad ku xisaabtantiin in labo waxyaabood idin sugayaan,Xisaab alle iyo Khawaarijta oo go'aankoodu yahay inay baabi'iyaan wax la yiraa Warbvaahin xora"ayuu yiri Dahir Alasow

Alasow wuxuu amaanay Weriyeyaasha markii ay u adkeeysan waayeen hanjabaada iyo dhaqamada guracan ee Khawaarijta isaga tegay shaqooyinkii.

"Hadii lagu dooransiiyo inaad Khawaarij diinlaabayaala dhahdid Mujaahid iyo inaad shaqada iska dhaaftid,waxaa wanaaga ku jiraa inaad iskaga tagtid shaqada maxaa yeelay sidaan waa gunimo,waa diin la'aan in qofaad arkeeysid inuusan diin shaqo ku lahayn dhahdid sheekh hebel ama Mujaahid hebel"ayuu yiri Dahir Abdulle Alasow.

Ugu dambeyntii wuxuu Dahir Abdulle Alasow tilmaamay in dalka la geliyay xaalad deg dega,taasna ay ka turjumee qorshe muhiima oo la doonayo in Khawaarijta looga hortago si Qaranimada loo badbaadiyo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip