Wariyayaal Isbaheystay Oo Bandhig Faneed Caalami ah ku qabtay Nairobi+Sawiro

0
Monday July 05, 2010 - 05:19:58 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2568
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariyayaal Isbaheystay Oo Bandhig Faneed Caalami ah ku qabtay Nairobi+Sawiro

    Nairobi 20 June 2009

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nairobi 20 June 2009
Xarunta City Hall ee bartamaha magalaada Nairobi waxaa xalay lagu qabtay bandhig faneed weyn oo halku dhig loogu dhigay HADAL IYO HEES kaasoo ay soo Xaadireen dhamaan fanaaniinta ugu caansan magaalada Nairobi.

Bandhig faneedkaan oo ay soo qaban qaabiyeen wariyayaasha Somalida ah ee ku sugan magaalada Nairobi ayaa qabashadiisa waxaa ku baxday aduun lacageed gaaray 100,000 Ksh, iyadoo si gaar ah ay gacan ugu geysteen qabashadiisa wariyayaasha kala ah Mohamed C/lahi (Siidii), Cabdi sitaar iyo kuwa kale.

 

Bandhig faneedkaan oo ay xalay ka soo qeybgaleen daawashadiisa dhamaan somalida ku nool magaalada Nairobi qeybaheeda kala duwan ayaa wuxuu iskugu jiray heeso dabacsan iyo majaajilooyin si weyn ugu qosolsiiyay dadkii u soo daawasho tagay.

Ka soo qeybgalayaashii munaasbadaan waxaa ka mid ahaa agaasimaha dukaanka caanka ah ee dahabka iyo qalinka ee New-Arsenal Abuukar Hassan Dhaqane oo qabashada munaasbadaan si niyad ah iyo si ficil ahba ugu qeyb qaatay.

Fanaaniintii xalay ka soo qeybgashay Xaflada bandhig faneedka ee maaweelinayay kumanaankii kun ee ka soo qeybgalay damaashaadkaasi waxaa ka mid ahaa Cabdi Diini oo xalay ku soo bandhigay fagaaraha City Hall heesihiisa aadka loo jecelyahay , kuwaasoo ay jaanta la wada ruxeen dawadayaashii munaasabada.


Waxaa kaloo ka mid ahaa fanaaniinta wacdarah xalay halkaa ka dhigay C/rashiid Cabdi (Daacad) oo ka mid ah fanaaniinta sida weyn heesohooda looga jecelyahay Nairobi kaasoo si weyn u soo jiitay dadkii halkaa iskugu yimid marki uu masraxa heesihiisa laga daba dhacay uu ka qaaday.


Hodan Cabdi Cilmi oo ah fanaanada loogu jecelyahay dhanka gabdhaha marka laga hadlo kuwooda ku nool magaalada Nairobi ayaa xalay ruxday masraxa, iyadoo ka soo qeybgalayaasha bandhig faneedka ku maaweelisay heeso dabacsan iyo majaajilo aad ugu qosolsiisay daawadayaasha.



Hassan Cali Saalax (Cagaaran) ayaa ka mid ahaa fanaaniintii xalay sida weyn u maaweeliyay ka qeybgalayaasha bandhig faneedka ,isagoo dhowr heeso oo ka mid ah kuwa loogu jecelyahay goobta ka qaaday.


Sahra Omar Dhuule Ali oo ah dhal fankii kana soo jeeda qoys faneed ayaa masraxa ku qabsatay heeso dabacsan iyo riwaayada qosol iyo sheeko iskugu jirtay oo ay fanaaniintu halkaa ku soo bandhigeen oo halku dhigeedu ahaa GUURKA DHOOFKA.


Raxma Huuno oo ka mid hayed fanaaniintii xalay wacdaraha ka dhigay bandhig faneedka ayaa markii ay soo kortay masrax waxaa isla qabsaday sacab iyadoo intii ay socdeen heesaheeda uu masraxu ahaa mid huwan sacab.


Waxaana la hilmaami Karin doorkii ay xalay ka qaateen maaweelinta dadkii iskugu yimid bandhig fanedkaasi gaar ahaan fanaaniinta kala ah al-fanaan Mahmed wali, C/qaadir Mohamed (Aar-Gute) iyo waliba Moahamed yare .



Intii ay munsaasabad bandhig faneedka ay socotay waxaa qadka telefonka maaweelada kala qeybgalay dadweynihii iskugu yimid xaflada fanaanka da'da yare ee dhawaan soo can baxay ee heesihiisa aadka loo jecelyahay Ahmed Biif, kaasoo dadweynihii goobta joogay u balanqaaday inuu dhawaan Nairobi ku soo fool leeyahay , uuna u dhigi doono bandhig faneed

Tifaftiraha guud ee Hay'ada warbaahinta www.waagacusub.com Dahir Abdulle Alasow ayaa sidoo kale qadka Telephone-ka kala qeyb qaatay marti sharaftii iyo ka soo qeybgalayaashii iskugu soo aruurtay iney waqtigooda ku qaataan bandhig faneedkaasi.

Mr Dahir Alasow oo sidoo kale ah Mu'alif curiya heesa ayaa wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yaha inuu dadweynaha ku nool Nairobi kala qeybgalo munaasabadaan qiimaha leh, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay in Hodan Cilmi iyo Xasan Cagaaran oo ka mid ah fanaaniinta loogu jecelyahay Nairobi ay qaadaan qaar ka mid ah heesaha uu curiyay.sida Yabaal iyo Dacaladda Hobyo

Bandhig faneedkii xalay wuxuu ahaa kii ugu horeeyay oo nuuciisa ah oo lagu qabto Nairobi, kaasoo ay si wada jir ah u qabteen wariyaasha Somalida ah ee Nairobi ku nool iyo fanaaniinta soomaaliyeed ee Nairobi ku dhaqan.

Wariyaasha Soomaaliyeed ee bandhig faneedkaan qaban qaabiyay gaar ahaan Mohamed Siidii wuxuu sheegay iney bishiiba mar qaban doonaan bandhig faneedkaan oo kale si ay u maaweeliyaan somalida Nairobi ku dhaqan oo u baahan barnaamijyo ay iskaga bi'in karaan booranka



Sir Sunni Said Salah
[email protected]
Senior Somali Sports Journalists
Cell-Phone+254-721-424242


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip