Dooda Weriyeyaasha todobaadka oo lagu gorfeeyay Weriyeyaal xiran.

0
Monday July 05, 2010 - 05:18:28 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dooda Weriyeyaasha todobaadka oo lagu gorfeeyay Weriyeyaal xiran.

    Mogadishu 19 June 2009

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mogadishu 19 June 2009 Dooda todobaadlaha ee Weriyeyaasha Soomaaliyeed ay ku yeeshaan qolka Internetka oo uu gudoominayay Weriye Abdi Qani Makhtal ayaa lagu cambaareeyay xarig labo Weriye loogu geeystay Magaaladda Laascaanood ee gobolka Sanaag.

Weriye Cabdi qani Makhtal oo dooda qeybinayay kuna sugan Laascaano ayaa Weriyeyaasha uga warbixiyay sababaha loo xiray labada Weriye iyo magacyadooda.

"Labada Weriye ee Laascaano lagu xiray todobaadkaan waxay kala yihiin,CABDI QANI ISMAACIIL GOOX IYO CABDI CASIiS SALEEBAAN AXMED oo ka tirsanaan jiray Radio Laascaano Weriye Cabdi Qani Goox wuxuu warbixino iyo sawiro ka diyaariyay Garaad beel ku dooratay gobolka balse aysan Somaliland ka raali ahayn"ayuu yiri shir gudoon Cabdi qani Makhtal.


Sidoo kale wuxuu tilmaamay Makhtal in Weriye CABDICASIS SALEEBAN AXMED oo ahaa Wakiilka Jidbale.com aan lagu heyn wax dimbiya uuna iska xiran yahay laakiin ay ku guuleeysteen inay xabsiga ka sii daayaan Weriye Goox.

"Waa Arrin naxdin badan,waxaana maamulka Laascaano ugu baaqeeynaa inay sii daayaan Weriyaha aan Maxkamadda la horgeyn ee ugu xiran xaqdaradda" ayuu yiri Gudoomiyaha ASOJ Dahir Abdulle Alasow oo dooda ka qeybgalay.

"Maadama Somaliland sida aan ka warqabno ay tahay Dowlad gooni isku taagtay miyeesan jirin shuruc iyo awaamiir markaa ka dhaxeeya Dowlada iyo saxaafada?" sidaa waxaa yiri Weriye Saalax Dheere oo dooda ka qeybgalay.

"Xaqiiqdii arintaani waxay ka mid tahay falalka fosha xun ee mar waliba lagula kaco suxufiyinta"ayey tiri Agaasimaha Waagacusub Media Fartuun Milaano oo fikirkeeda ka dhiibaneysay xariga weriyeyaashaas.

"Anigoo ku hadlaya Magaca Maamulka Xoghaye.com aad baan uga xunahay una cambaareyneynaa wariyayaasha ay xireen Maamulka Somaliland,waxana ka codsaneynaa inay u soo celiyaan xuriyadooda wariyeyaashasi gudanayay Howshooda Shaqo"ayuu yiri Maamulaha Xoghaye.com Cabdi Fitaax la jecloow oo dooda ka qeybgalay.

"Anigoo ku hadlaya magaca iyo wariyeyaasha Hiiraan,online,waxaan Codsaneynaa in la soo daayo wariyaasha ku xiran laascanood iyo hadii ay jirto wax cad oo lagu heysto in maxkamad la soo taago"ayuu yiri Weriye Nuur.

"Aniga oo ku hadlaya magaca shabakada wararka caalamiga ah ee Waagacusub Media News waxaan cambaaraynaynaa xarigii lagula kacay wariyayaasha ku dhaqan Laascaano waxaana ugu baaqaynaa in sida ugu dhaqsaha badan lagu soo daayo, xoriyadoodana dib loogu celsho"ayuu yiri Abdullahi Kullane oo ka mida Weriyeyaasha Waagacusub.

"Aniga waxaan leeyahay. Midnimo wax lugu waayey luguma keenayo tafaraaruq horumar. Saxaafada inta caqliga iyo qalinka ehel u ah waa iney howsha ay u istaageen mideeyaan. Hadafkooduna noqdo difaaca diinta iyo dalka"ayey tiri Ikraam Cali Kaar oo ka mida Weriyeyaasha ka hoowlgala Sweden.

"Wriye howshiisa gudanayo in la xiraa waa xaraam iyadoo mid la yahay cambaarayn dusha halooga tuuro war kasoo saara anagana waxaan diyaar la nahay inaan soo bandhigno, taladaydu waa taas oo ilaa iyo inta ay ka helayaan xuriyadooda yaanan la aamusin" ayuu yiri Weriye Mohamed Siidi.

Dooda inta ay socotay waxaa ku soo biiray Weriyeyaal badan waxaa khadka telefoonka ku soo hadlay Weriye Mohamed Hussein (Xaaji Tahriib) oo taageeray qadiyada Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo ololaha ay wadaan.

Xaaji Tahriib wuxuu xoojiyay baaqa ku saleeysan in garabyadda Somalia ilaaliyaan xoriyatul qoowlka.

Dooda gebagebadeedii waxaa laga saaray laba Weriye oo Mabduuca laga hadlayay ka baxay,kuwaas oo todobaadka dambe si xora uga qeybgeli kara dooda.

Amaanka qolka dooda wuxuu ahaa mid ka duwan sidii hore,waxaa looga shaqeeyay si adag,iyadoo aan loo ogolaan inuu ka qeybgalo Weriye aan aqoon fiican loo lahayn.

Shirka inta uu socday Weriyeyaal badan oo jooga Mogadishu ayaa ka soo qeybgalay hasse yeeshee magacyadooda lama xusayo xaalad amaan darteed.

Kulanka dooda weriyeyaasha ee Internetka oo todobaadka dambe looga hadli doono aqoon isweydaarsi la xiriira habka war lagu helo,sida loo sameeyo,waxay ku kala duwan yihiin Faallo,War iyo Warbixin,waxaa todobaadkaan si rasmiya dooda uga qeybgalay Weriyeyaashaan hoos ku qoran:-

Cabdulaahi Maxamad Axmed ""Nairobi Kenya""

Cabdiraxmaan Diiriye Nuur SWEDAN

Dahir Abdulle Alasow,Breda Holland

Abdifatah Muhudiin Noor Lajecloow Oslo Norwey

Salah Hassan Omer, Alkmaar-Holland

cabdiqani makhtal Laascaanood Sool:

Mohamed Bashiir Abdi Rahmaan,DJibouti

Mohamed Farah talyani,DJibouti

Fartuun Ali Hussein Milaano,Dubai Emirates

Shugri Siidow Hassan,Sweden

Mohamed Dek Sh Hassan,Leeuwerden-Holland

Mohamed Abdulle Siidi,Sweden

Ramla Mohamed Nur (Oslo Norway)

Ku soo biir,isku day inaad la jaanqaadid dooda,kana dhiibo fikir loo aayo.
[email protected]

By Osman Hashi Kaariye ( Caanaboore)
Waagacusub Office
Oslo-Norway
[email protected]



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip