Weriyeyaasha Soomaaliyeed oo baaq muhiima u diray Madaxweynaha Jibouti+Sawiro

0
Monday July 05, 2010 - 05:17:56 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weriyeyaasha Soomaaliyeed oo baaq muhiima u diray Madaxweynaha Jibouti+Sawiro

    Mogadishu 17 June 2009

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mogadishu 17 June 2009 Dhambaal baaqa oo ay ku saxiixan yihiin 123 ka mida Suxufiyiinta Somalia ugu caansan ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle lagu waydiistay inuu cadeeyo moowqifka uu ka taagan yahay shaqsiyaadka astaanta u noqday ku tumashada magaca Saxaafadda iyo Qaranimada Somalia ee geed fadhiga ka dhigtay Caasimadda DJibouti.


Baaqa ku socda Madaxweynaha Jibouti Al Hajji Ismaaciil Cumar Geelle oo ay sidoo kale saxiixeen Madaxda Ururadda Saxaafadda Somalia sida Associated Somali Journalists (ASOJ),Somali Journalists Rights Agency (SOJRA),Women Journalists in Action (WOJA),Committee of the United Somali journalists in Exile (CUSJE) wuxuu u qoran yahay sidaan:-






Ku:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jibouti Ismael Omar Ghelle
OG: Wasiirka Warfaafinta Jibouti Ali Abdi Farah

Weriyeyaasha Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka Somalia waxay ku nool yihiin xaalad adag oo ku qasabtay inay badankood shaqada isaga fariistaan sidoo kalena boqolaal ka mida Suxufiyiinta naftooda la baxsaday waxay daruufo liito ku joogaan qurbaha gaar ahaan dalalka la jaarkaa Somalia sida Jibouti,Kenya,Somaliland,Ethiopia,Kenya,Uganda iyo Yemen.

Marka hore Mudane Madaxweyne waxaan ka mahadnaqeeynaa gurmadkii taariikhda galay ee Dowladda Jibouti ku caawisay Weriyeyaashii laga soo masaafuriyay Somaliland.

Mudane Madaxweyne waxaan dhambaalkaan kuugu soo qornay inaan si cad uga hadalno shaqsiyaad calooshood u shaqeeystayaala oo magaca Suxufiyiinta Soomaaliyeed ka dhigtay NGO lagu hanti aruursado,laguna waxyeeleeyo Weriyeyaasha Soomaaliyeed kuwaas oo geed fadhi ka sameeystay Jamhuuriyadda Jibouti.

Anagoo ka xun in shaqsiga sheeganaya magaca Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed uu meel kaga dhacay sharafteena,uuna ka shaqeeyay Mu'aamarooyin lagu waxyeeleeynayo Weriyeyaasha Soomaaliyeed.

Anagoo tuhunsan inuu ku lug leeyahay dilkii lala beegsaday Agaasimahii Shabelle Mukhtaar Mohamed Hiraabe,allaha u naxariistee,oo sida aan ku heyno cadeeymo ay isku heysteen lacag uu lunsaday,ayna Doha Media Center ugu deeqday Weriyeyaasha sida adag uga hoowlgala Mogadishu.

Anagoo tixraaceeyno War murtiyeedkii ay soo saareen lix Weriye oo ka mida Weriyeyaasha Mogadishu ee Somaliland laga soo masaafuriyay kuna nool Jibouti,kuna sheegeen inaysan nolol ku heysan DJibouti,uuna xaqoodii dhacay,oo wixii ay heli lahaayeen uu ka hor istaagay ninka sheegta Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) laguna magacaabo Cumar Faruk.

Anagoo xog buuxda ku heeyna inuu lixdaas Weriye ee Soomaaliyeed ugu hanjabay inuu xirayo,uuna laaluush siinayo boliiska Jibouti,waxaanu kuugu baaqeeynaa qodobadaan soo socda:

A-In Mudane Madaxweyne dowladaada si deg dega albaabada ugu laabto xafiis beenaadka uu Jibouti ka furtay shaqsiga astaanta u noqday qoowleeystanimada maadama ay xadgudub aan la qaadan karin nagu tahay in magaca Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed laga dhigto NGO lagu dhibaateeyo Weriyeyaasha madaxabanaan ee Somalia,taas oo tusaale ahaan la mida in Somalia loo ogolaado shaqsi wata magaca Suxufiyiinta Qaranka Jibouti,kana heysan ogolaanshiya Weriyeyaasha Jibouti.

A-Qodobka 2aad ee baaqeena wuxuu yahay Mudane Madaxweyne in si sharciya Maxkamad loo horgeeyo shaqsiga magaceena ka been abuurtay oo magaciisa yahay Omar Faruk Osman,si cadaaladda loogu qaado,anagoo u diyaara inaan Maxkamadda la istaagno.

C-Mudane Madaxweyne,waxaan ugu dambeyntii ku weeydiisaneynaa inaad gacan wax ku oola u fidisid lixda Weriyeyaasha Soomaaliyeed ee Jibouti ku dhibaateeysan,waxaana sidoo kale kuugu baaqeeynaa inaad ilgaara ku eegtid Weriyeyaasha iyo Fanaaniinta Mogadishu oo ku jira xaalad shaqo la'aan iyo amaan xumo.


1-By Dahir Abdulle Alasow,Chairman of Associated Somali Journalists (ASOJ)

2-By Fardowsa Sheikh Hassan ,Chair Person of Women Journalists in Action (WOJA)

3-By Da'ud Abdi Da'ud ,Chairman of Somali Journalists Rights Agency (SOJRA)

4-By Mohamed Abdi Nur, Coordinator Committee of the United Somali journalists in Exile (CUSJE)

Email:[email protected]
Tel: +31681700906
www.asoj.org
www.wojasom.org
www.sojra.org




 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip