Weriyeyaasha Soomaaliyeed oo doodii ugu horeysay yeeshay "Chat Room"

0
Monday July 05, 2010 - 05:16:32 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2652
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weriyeyaasha Soomaaliyeed oo doodii ugu horeysay yeeshay "Chat Room"

    World 12 June 2009

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

World 12 June 2009
Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha dunida badankood ayaa kulankii ugu horeysay ee lagu gorfeeynayay xaaladda Saxaafadda Somalia waxay ku yeesheen Chat Room-ka cusub ee loo furay wada hadalka Weriyeyaasha.

Dood iyo wada hadal dheer kadib waxaa kulanka lagu gorfeeyay labo qodob oo ay soo kala jeediyeen Mohamed Siidi iyo Abdullahi Warsame oo ka mida hoowlwadeenadda Saxaafadda Somalia,kuna kala nool Nairobi iyo London.


1- In laga hadlo arrinta cakiran ee wajahday Saxaafadda Somalia -waxaa qodobkaan keenay Mohamed Siidii,Maamulaha Wariyaha.com
2- In Weriyeyaasha Soomaaliyeed loo sameeyo nimaad guud oo ay ku mideeysan yihiin,waafaqsana anshaxa Saxaafadda-waxaa qodobkaan keenay Abdullahi Warsame Maamulaha Mareeg.com oo shirka gudoominayay.

"Aniga hadii aan idinkaga waramo waxaan ka mid ahaa asxaabtii u soo qaxday Kenya 2007dii waxaana halkaas ku sugan asxaab fara badan ilaa iyo hada waxaa ka jiro ururo iska soo horjeeda taasina waxay ku tusaysaa inaan la'is aminsaneyn,waana muhiim in Saxaafadda Somalia la mideeyo,oo hal meel uga wada jeestaan cadawga"sidaas waxaa ku furay wada hadalka Weriye Cabdi Yare oo jooga Mareykanka.

"Runtii Maanta Wariyaasha ku sugan halkaan waxay dareemayaan Ciil fara badan,ma heystaan nolol,waxayna xaajadu maree in dadka markaad dhahdid waxaan ahay Weriye ay ku dhahaan,maad iska dhaaftid Weriyenimada intaan lagu dilin"ayuu yiri Cabdi Kaafi Mohamud Carab oo ah Agaasimaha Dayniile.com,kuna nool Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

"Waxaa muhiima in Weriyeyaasha ku dhibaateeysan Afrika sidii wax loogu qaban lahaa xooga la saaro,waa in laga baxaa kala qoqobnaanta,waxaana taageerayaa qorshaha cusub iyo ololaha iskaashiga ee u biloowday Weriyeyaasha Soomaaliyeed"ayuu yiri Xasan Sheekh Axmed Cadde,oo ah Maamulaha Gargaarka.com,kuna nool London.

" Waxaan ka imid Afrika ,Suxufiyiinta dhib badan ayaa heysta runtii,hadii la doodo,oo fikrada la mideeyana waxaan ka soo bixi kara tilaabooyin dhaxalgala"ayuu yiri Weriye Cabdi Raxmaan Xudeyfi oo jooga Magaaladda Stockholm ee dalka Sweden.

"Roma Hal Maalin lama dhisan,waana farxad inaan ka doodeeyno aayaheena sidaas darteed waxaan ku talinayaa in shirka naloo xiro,oo kulanka labaad u dad badsano,waana muhiim in wax loo qabto qoysaska Weriyeyaashii xaqdarada loo dilay" ayuu yiri Dahir Abdulle Alasow,Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ASOJ ahna Tifaftiraha Waagacusub kuna nool Magaaladda Breda ee Dalka Holland.

Kulanka Weriyeyaasha ka qeybgalay waxaa ka mida:- 

Abdullahi M khaliif Minneapolis,USA

Hassan Sheekh Ahmed Cadde London,Uk

Abdi Kafi Mohamud Arab Nairobi,Kenya

Hassan Said Ali Kambala,Uganda

Abdi Sh Hassan Kulmiye,Minnesota,America.

Abdi Rahman Xudeeyfi Stockholm,Sweden

Mohamed Abdullahi Siidii Nairobi,Kenya

Dahir Abdulle Alasow,Breda Holland

Abdullahi Warsame,London UK

Ubax Hussein,London Uk

Sucaad Mohamed,Cairo Masar

Abdi Qani Makhtal,Laascaano Somalia

Farhiya Hussein,Helisink-Finland

Kulanka Suxufiyiinta wuxuu noqon doonaa joogto,waxayna rajadu tahay inay ka soo baxaan qodobo wax ku oola si afkaarta Suxufiyiinta loo mideeyo,isuna garab qabtaan.

FG:fadlan ka qeybgal kulanka Weriyeyaasha Email: [email protected]

By Fartuun Milaano
Dubai-Emirates


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip