Xoghayaha xiriirka ASOJ Weriye Qadafi oo ka hadlay dilka Agaasime Hiraabe.

0
Monday July 05, 2010 - 05:13:40 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha xiriirka ASOJ Weriye Qadafi oo ka hadlay dilka Agaasime Hiraabe.

    Holand 08June 2009

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Holand 08June 2009 Allaha u Naxariisto Marxuum Mukhtaar Maxamed Hiraabe oo Maanta Lagu Dilay Magaladda Muqdisho Sidaasi waxaa yiri Qadaafi oo Ka Mid ah Ururka ASOJ.

Inaalilaahi Wa inaa ileyhi Raajicuun

Waxaan Si Murugo Leh ugu Murugonaynaa Dilkii Arxan darada Lahaa ee Loogaystay Marxuum Mukhtaar Maxamed Hirabe Agaasimihii Idaacadda Shabelle iyo Dhaawacii Soogaray Weriye Axmed Taajir.


Anigoo Ku Hadlayo Magaca Ururka ASOJ iyo Kan Weriyaasha ku Nool Dalka Holland Waxaan Tacsi Tiiraanyo leh u Dirayaa Dhamaan Eheladii iyo Bahdii Saxaafadda ee uu Ka Geeriyooday Marxuum Mukhtaar Hiraabe oo ay Dishay Gacan ka Gardaran Sidaasina Waxaa Yiri ASOJ Secretary of Public relations Maxamed Cusmaan Sheekh Qadafi.



Waxaa Nasiib daro ah in Isha Bulshada ee ah Bahda Saxaafadda lagu Ugaarsado Gudaha Dalka Soomaliya Gaar ahaan Koonfurta Taasina Waa wax aan la Aqbali karin, Aaad ayaan Ugu Naxay Markii uu ii Sheegay Geerida Mukhtar Mid ka Mid ah Weriyaasha Jooga Holland oo isoo Wacay Barqadii Maanta ayuu Sii Raaciyay Hadalkiisa.

Ma'ahan Markii ugu Horeeysay ee Weriye ama Agaasime Laga Dilo Idaacada Shabelle Bishii Hore ayay ahayd Markii Weriye Gaadaco Lagu Dilay Dagaaladii U Dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Mucaaradka.

Sidoo kale allaha u naxariistee Bashiir Nuur Geeddi oo ahaa Agaasimahii ka horeeyay Mukhtaar Hiraabe ayey kooxo hubeysan sanadkii 2008 ku dileen Mogadishu xilli uu ku socday Gurigiisa.

Allaha u naxariistee Marxuum Mukhtaar ayaan Rabi Ugu Tugaynaa in uu Janadii Fardowsa Ka Waraabiyo,Halka Saaxiibkeen Axmed Taajir Rabi ugu Baryeynaa in uu Caafimaad Deg Deg ah Siiyo.

Sanadkan Horaantiisii ayaa Sidoo Kale waxaa Si Bareer ah loo Dilay Agaasimihiii Idaacada Hornafrik Saciid Tahliil axmed Dilkaasoo ay ka Dembeyaan Qolooyinka isku Haysto Koonfurta Somaliya oo ay ka Degi la'dahay, Marba Marka ka Dambeyaa waxaa Soo baxa Urura Isku Haysto Mamul Loo Dhiso Dalka Soomaliya Lakiin hadda ayaa waxaa ay Maraysaa Meeshii ugu Dembaysay Soomaliya waayoo Meel ka Dembaysaa oo La Sheegtaa Maba Jirto Mar Haddiii la isku Haysto Diin Balse La'arki doonee Halka ay ku Dembeeyaan Manaxariistayaasha Aan u Nixin Dhibanayasha la Dulmay.

Inaalilaahi Wa inaa ileyhi Raajicuun


Sucaad Maxamed
Rotterdam, Holland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip