CPJ oo noqotay Hay'ada ajnabi ee difaacda Saxaafadda Somali

0
Monday July 05, 2010 - 05:12:54 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CPJ oo noqotay Hay'ada ajnabi ee difaacda Saxaafadda Somali

    Mogadishu 08 May 2009

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mogadishu 08 May 2009

Gudigga difaaca Saxaafadda Caalamka ee CPJ ayey Weriyeyaasha Soomaaliyeed ku amaaneen sida ay astaan ugu noqotay u gurmashada Saxaafadda iyo Suxufiyiinta Somalia ee ku hoowlgelaya xaaladaha halista badan.

Agaasimayaasha Warbaahinta Somalia ayaa hambalyo iyo mahadcelin ujeediyay Madaxda Committee to Protect Journalists (CPJ) iyagoo si gaara ugu mahadceliyay Mohamed Keita iyo Tom Rhodes oo ka mida hoowlwadeenada sare ee ka hoowlgala waaxda Africa iyo barigga dhexe"Waxaan ku bogaadineeynaa dhamaan hoowlwadeenada CPJ dadaalkooda ku saleeysan difaacida Saxaafadda dunida ee xadgudubyada lagula kaco,waxaana si gaara amaan ugu jeedineyaa hoowlwadeenada qaabilsan arrimaha Africa ee Mohamed Kieta iyo Tom R hordes oo abaalkooda aysan iloobi doonin Saxaafadda Somalia,kuna qoran bog taariikhiya"ayuu yiri Agaasimaha Waagacusub Media ahna Gudoomiyaha Associated Somali Journalists (ASOJ) Mr Dahir Alasow.



Gudoomiye Dahir Alasow wuxuu tilmaamay in CPJ ku tilaabsatay isbedel baaxadweyn oo ay ku diirsadeen Saxaafadda dunida.salaana gaarana wuxuu u diray Gudoomiyaha CPJ Paul E. Steiger ,wuxuuse nasiib daro ku sifeeyay in Ururka International Federation Journalists (IFJ)madaxdooda meel ka dhacyo ku sameeynayaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed halkii laga sugayay garab qabasho.

"IFJ iyo Hay'adaha kale ee Saxaafadda Caalamka waxaanu ugu baaqeeynaa inay ku daydaan CPJ oo ay kaalinkooda shaqo isku koobaan halka ay ku mashquulsan yihiin inay sida NGO,shaqsi ugu isticmaalaan magaca qiimaha badan ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed"ayuu yiri Dahir Alasow.

Agaasimaha Idaacadda Codka Nabadda Abdi Aziz Mohamud Guuleed (Africa) ayaa tilmaamay in Saxaafadda Somalia wado dadaalo ay isaga rideeyso sharaf dilka magacooda loogu adeegsanayo NGO qof ku qoowleeysto.

" Waxaanu aragnaa CPJ hoowlwadeeno ka tirsan oo mar walba nala soo xiriiraya,si ay ula socdaan xaaladaheena maxaa loo waayay Hay'ad kale oo naga warqabto,micnahaas qof walba wuu fahmi karaa,waxaanu ku baaqeeynaa inaan la is dhihin Suxufiyiinta Soomaaliyeed dowlad maleh ee sidii la doono haloolo dhaqmo"ayuu yiri Agaasime Abdi Aziz Africa.

Agaasimaha Radio Danan ee Mogadishu Mr Mohamed Hajji Barre Fiyoore ayaa CPJ weeydiistay inay fara gelin ku sameeyso xadgudubyada lagu dhunsanaya dhaqaalaha loogu tala galay Suxufiyiinta ka hoowlgala Mogadishu sida lacagtii ugu dambeysay ee Doha Media Center ku sheegtay Website-keeda inay ugu deeqeen lix Weriye oo Idaacadaha Mogadishu ka hoowlgala uuna si shaqsiya ugu tagrifalay ninka sheegta inuu yahay Xoghayaha Nusoj ee lagu magacaabo Omar Faruk.

Agaasimaha Radio and Tv SBC ,Inj Mowliid Hajji Abdi ayaa CPJ ku amaanay difaacida ay had iyo jeer difaacdo Saxaafadda Somalia isagoo tilmaamay in Weriyeyaasha Soomaaliyeed kala ogyihiin cidda abaal u gashay iyo cidda magacooda si qaldan u adeegsatay. 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip