Jibouti oo noqotay godka laga qaniino Suxufiyiinta Somalia.

0
Monday July 05, 2010 - 05:11:45 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jibouti oo noqotay godka laga qaniino Suxufiyiinta Somalia.

    Mogadishu 02 May 2009

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mogadishu 02 May 2009

Ururka isu taga Suxufiyiinta Somalia ee ASOJ ayaa Dowladda Jibouti ku eedeyay inay dhiirigelin siineyso shaqsiyaad ku caam noqday ku xadgudubka xaquuqda Suxufiyiinta Somalia.

"Waa nasiibdaro,waa ceeb,waana taariikh madoow in Wasiirka Warfaafinta Jibouti Ali Abdi Farah,meel ka dhac ku sameeyo sharafta Saxaafadda Somalia.uuna garab fariisto nin ku caanbaxay ku qaraabashada magaca Suxufiyiinta Somalia,iyadoo la ogyahay inuu dhacay,oo la goostay lacagtii ugu dambeysay ee Doha Media Center siisay lix Weriye oo ka hoowlgala Mogadishu"sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ASOJ Mr Dahir Abdulle Alasow.



Mr Alasow wuxuu Dowladda Jibouti ugu baaqay inay joojiso xadgudubyada sii kordhaya ee ay ku dhiirigelineyso shaqsiyaadka astaanta u noqday ku xadgudbida xaquuqda Weriyeyaasha Soomaaliyeed.

" Ma jirto Wakaalad warar oo ay Saxaafadda Madaxabanaan ee Somalia leedahay,walaalaheena Jibouti waxaanu ka sugeeynaa taageero ay siiso Weriyeyaasha Soomaaliyeed ee dalkeeda ku dhibaateeysan,waana ka digeeynaa in DJibouti noqoto halka laga qaniina Suxufiyiinta Somalia ,lagana fuliyo danaha guracan ee lagu bahdilayo magaca Suxufiyiinteena sharafta leh"ayuu Alasow ku dersaday warkiisa.

Dahir A.Alasow mar uu ka hadlayay Omar Faruq iyo Nusoj wuxuu yiri " Waxaanu Omar Faruk u naqaanaa calooshiis u shaqeeyste tuuga,oo wuxuu ahaa ninkii Hotel 680 Nairobi ku xaday Hussein Jaabiri oo sariir uu jiifta siiyay,uuna jeebkiisa ka siibtay baasaboorkiisii iyo kun lix boqol dollar,maaha shaqsi sumcad ku dhexleh Suxufiyiinta Somalia laakiin wuxuu been kula nool yahay ajnabiga aan aqoon"

By Sunni Said Saleh
Asoj Spokesman
[email protected]
[email protected]
Mogadishu-Somalia

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip