
Dowladda cusub oo dooneyso inay Saxaafadda madaxabanaan afduubto.
Agaasimeyaasha Warbaahinta ka hoowlgasha Magaaladda Mogadishu 
iyo Madaxda Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa nasiib daro 
weyn ku tilmaamay in kulan ay la qaateen Wasiirka cusub ee Warfaafinta uu ku 
dhamaaday fashil ka gadaal markii uu Saxaafadda ku qanciyay inay u hogaansamaan 
gole gacan ku rimisa oo uu ku sheegay Golaha sare ee Qaranka 
Saxaafadda.
"Waa wax lala yaabo in Wasiirka cusub ee Warfaafinta uu la 
soo shir tago gole gacan ku rimisa oo uu leeyahay waxay metelaan dowladda,waana 
golaha sare ee Qaranka Saxaafadda Soomaaliyeed,waana nasiib daro taariikhiya 
inuu Saxaafadda ugu goodiyo in cidaan is diiwaangelin tilaabo laga 
qaadayo,iyadoo aysan jirin guddi sharciya oo labada dhinac ay wada 
dhisteen,Gudigga golaha sare ee Saxaafadda waxaa dhisi kara qeybaha Warbaahinta 
iyo ururada Saxaafadda Somalia,waana inay kadib u gudbiyaan Wasaaradda 
Warfaafinta si baarlamaanka ku meel gaarka u ansixiyo"ayuu yiri Gudoomiyaha 
Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ Dahir Abdulle 
Alasow.
Dahir Alasow wuxuu tibaaxay in markii uu dhageystay 
Agaasimeyaashii Warbaahinta Mogadishu iyo Masuuliyiintii Ururada Saxaafadda ee 
ka qeybgalay shirka Wasiirka kadib uu telefoon kula hadlay Wasiirka Warfaafinta 
balse uu ayaan daro uu Wasiirka ku adkeeystay in Gole qaran la sameeyay, loona 
baahan yahay inay wax walba uga dambeeyaan golaha Warbaahinta Qaranka 
Somalia,waxa uu ku sheegay.
"Golaha muuqaalkiisu wuxuu nala yahay mid ay 
dowladda ku dooneyso inay ku afduubto Saxaafadda madaxa banaan,anigoo tixraacaya 
go-aanada qeybaha Warbaahinta Somalia waxaanu cod dheer ku leenahay nama 
quseeyo,mana u hogaansami doono gole dowladda cusub dhoodhoobatay,waxaana ku 
baaqeeynaa in Wasiirka Warfaafinta Mudane Farhan ka fiirsado tilaabo qaadkiisa 
ugubkaa"ayuu yiri Mr Alasow.
"Shaqsiyaadkii uu lahaa golaha Saxaafadda 
metela ayey madax u yihiin,waxaa dhacday inay madaxdii Warbaahinta ee shirka 
joogtay iyo Wasiirkii oo fadhiya dhahaan,wuxuu Xafiiskeena ku yaalaa Three 
Peino,oo ay tilmaamaan,intaas ayaana marqaati noogu filan inay yihiin koox 
jeebka dowladda uun ka soo baxday oo aanan ka warqabin"ayuu Dahir Abdulle Alasow 
si kooban ugu iftiinshay golaha intey hoowlwadeenada Warbaahinta ka 
ogtahay.
Associated Somali Journalists ASOJ iyo qeybaha Warbaahinta 
Mogadishu waxay isla ogolaadeen qodobadaan:-
1-Waa in Saxaafadda loo 
madaxbaneeyo doorasho ay ku dhistaan Golaha Sare ee Warbaahinta Qaranka Somalia 
si hadii qalad laga galo ay ula xisaabtamaan kooxdii ama qofkii ka gashay sidoo 
kalena u noqdaan gole metela Saxaafadda oo looga dacwoodo hadii ay dhacaan 
xadgudubyo ka baxsan anshaxa Saxaafadda oo ay ku kaceen Hay'adaha ama 
Weriyeyaasha qaar.
2-Golaha sare ee Warbaahinta Qaranka Somalia iyo Guddi 
metelaya Wasaaradda Warfaafinta TFG waa in si wadajir loo magacaabo si ay xeerka 
Saxaafadda ee dowladda uga saaraan qodobada ka hor imaanaya Xoriyadda 
Warfaafinta madaxa banaan.
3-Wasaaradda Warfaafinta waa inaysan ku deg 
degin amarada la xiriira inay Warbaahinta iyo Weriyeyaasha is 
diiwaangeliyaan,waana inay dib uga laabato go-aankeeda hanjabaada wato ee ay 
Saxaafadda xorta ugu yeertay,ilaa golaha sare ee Warbaahinta qaranka laga 
dhisayo,si loo dhiso gudiyadda Wasaaradda iyo golaha Warfaafinta ee shaqadooda 
ugu horeysa tahay turxaan bixinta xeerka Saxaafadda ee dowladda 
sameeysatay.
4-Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta waa inuu 
garwaaqsado Saxaafadda xorta,waana inuu tixgeliyo rabitaanka hogaanada sare ee 
Warbaahinta Somalia iyo Ururada ay ku mideeysan yihiin Weriyeyaasha 
Soomaaliyeed.
5-Saxaafada madaxa banaan waa inay gacan ka geysato sidii 
dalka nabad loogu dabaali lahaa,waana inay laba laabaan baahinta wararka lagu 
difaacayo dadka dimbi laabayaasha ee u badan Haweenka iyo Caruurta kuwaas oo 
maalin walba la baneeystay dhiigooda si ka baxsan Diinta Islaamka iyo xaquuqul 
insaanka.
6-Waa in la xoojiyo go-aankii Warbaahinta Somalia hore u 
qaadatay ee dhigayay inaan la buun buunin colaadaha sidoo kalena aan la baahin 
wararka shaqsiyaadka aan mansab la yaqaana heyn ee doonaya inay faafiyaan warar 
lagu qalqal gelinaa bulshadda dhibaateeysan.
7-Saxaafadda xorta waa inay 
xil iska saarto sidii ay xoriyadooda ku heli lahaayeen Weriyeyaasha ajnabi ee 
afduubka loogu heysto Mogadishu,waana inay si isku mida u iftiimiso kooxaha ama 
shaqsiyaadka ka dambeeyo dilalka,afduubyadda iyo barakicinta birimageydada 
Somalia sida shaqaalaha samafalka iyo Weriyeyaasha aan xirfad wadaaga nahay 
dalkastoo ay dunida u dhashaan.
8- Waa in Saxaafadda madaxa banaan Lawyer 
u qabsato Ra'isulwasaarre ku xigeenka Xukumadda ahna Wasiirka Kalluumeeysiga iyo 
Kheeyraadka badda Proff Abdi Rahmaan Ibbi oo Wareysi uu siiyay Horn Afrik Media 
ugu hanjabay Saxaafadda inay Xukumadiisa ula dagaali doonto sida 
hogaamiyeyaashii dagaalka ee Somalia.
9-Waa in Gudoonka sare ee 
baarlamaanka iyo madaxda bulshadda rayidka Soomaaliyeed cadeeyaan sababta ay 
Saxaafadda madaxa banaan ku wayday xubnahii ay xaqa u lahayd in baarlamaanka ay 
uga mid noqdaan maadama bulshadda rayidka la siiyay 75 Xildhibaan oo aysan 
Saxaafadda xubin ka helin.xaqna u lahayd 5 Xildhibaan sida heshiiskii DJibouti 
ee saami awood qeybsiga dhigayay.
10-Saxaafadda xorta Somalia Waxay 
beesha Caalamka iyo Ururadda Saxaafadda dunida ka codsaneysaa inaysan indhaha ka 
eegan Weriyeyaasha Soomaaliyeed ee ku dhibaateeysan dalalka la deriskaa Somalia 
iyo kuwa gudaha uga hoowlgelaya nafle caarinimada,waxaana ugu dambeyn u 
mahadcelineynaa Dowladaha iyo Hay'adaha astaanta u noqday caawinta iyo difaacida 
Weriyeyaasha Soomaaliyeed ee xoriyadooda ku waayay hoowlahooda shaqo. 
By ASOJ 
Spokesman,Sunni Said Saleh
Associated Somali Journalists 
(ASOJ)
Mogadishu-Somalia (Office)
[email protected]
[email protected] 
 
 
 
 
                
       0
                0            

 
                           
                           
                           
                           
                          







 
               
               
               
               
               
               
               
               
               
               
               
              
Dowladda cusub oo dooneyso inay Saxaafadda madaxabanaan afduubto.
Mogadishu 8 March 2009