Asoj oo ka walaacsan Weriyeyaal ku afduuban Mogadishu

0
Monday July 05, 2010 - 05:08:51 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Asoj oo ka walaacsan Weriyeyaal ku afduuban Mogadishu

    Mogadishu 26 Fabaury 2009

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mogadishu 26 Fabaury 2009

Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa walaac ka muujiyay xaaladda weriyeyaal ajnabiya oo afduub lagu heysto Mogadishu.


"Waxaanu xog ku heleeynaa in Weriyeyaasha u kala dhashay Australia iyo Canada ee ku afduuban Mogadishu habeen walba xaafad la geeyo,midkoodna uu cuntadii qaadan waayay sidaas darteed waxaan Saxaafadda Somalia ugu baaqeeynaa inay u istaagaan sidii kooxaha afduubka ku heysto looga sii deyn lahaa" ayaa lagu yiri War Murtiyeed laga soo saaray Xarunta ASOJ ee Mogadishu.



Associated Somali Journalists waxay ceeb ku sifeeyeen in Warbaahinta Mogadishu ka aamusnaato afduubka Weriyeyaasha ajnabi,waxayna ku baaqday in cadaadis dhinac walbaa la saaro ilaa ay sharuud la'aan ku sii daayaan.

"ASOJ waxay xaqiijineysaa in Weriyeyaasha ajnabi ku afduuban yihiin degmadda Huriwaa Mogadishu gaar ahaan degaanada ay ka taliyaan xoogaga hogaamiye kooxeedka Yusuf Indhacadde ka amar qaato ee Ex Control Balcad sidaas darteed waxay ku baaqee inuu Yusuf Mohamed Siyaad Indhacadde gacan daacadnimo ka geysto sidii Saxaafiyiinta ajnabi u heli lahaayeen xoriyadooda" ayey sidoo kale tiri ASOJ.

Ugu dambeyn ASOJ waxay qeybaha Mogadishu gaar ahaan Odayaasha Golaha Hawiye ka codsatay inay si wadajira ugu duubtaan sidii Weriyeyaasha afduuban looga fujin lahaa kooxaha heysta.



 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip