Jubbaland Association of Journalists oo ka hadlay xirnaanshaha Hornafrik Kismayo.

0
Monday July 05, 2010 - 05:07:40 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2456
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jubbaland Association of Journalists oo ka hadlay xirnaanshaha Hornafrik Kismayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus




Gudoomiyaha Ururka Isu taga Suxufiyiinta Jubbooyinka ee JAJ Adan Mohamed Salaad ( Adan Kismayo) ayaa Shir jaraa'id oo uu ku qabtay Nairobi ku faahfaahiyay xirnaanshaha Idaacadda Hornafrik ee gashay maalintii 11-aad iyo tacadiyada sii kordhaya ee Maamulka Kismayo ku caburiyay madaxbanaanida Saxaafadda.


Gudoomiyaha Adan Kismayo wuxuu Maamulka Kismayo ugu baaqay inay xayiraadda ka qaadaan Idaacadda Horn Afrik Kismayo,wuxuuna wax laga xumaado ku sifeeyay caga jugleeynta sii kordheysa ee lagu barakicinayo Saxaafadda xorta.

"Idaacadda Hornafrik Kismayo waxay u xiran tahay inaysan sheegi karin wax ka baxsan rabitaanka maamulka,taasi sax maaha,sidoo kalena waxaa nasiib daraa in Idaacad laga mamnuuco baahinta heesaha"ayuu yiri Adan Kismayo oo Saxaafadda kula hadlay Nairobi.

Gudoomiye Adan Kismayo wuxuu xusay inay soo saareen qodobo muhiima oo kala ah.

1:In sida ugu dhaqsiyaha badan Maamulka Kismayo u fasaxo shaqadii ay Shacabka u heysay bulshadda Jubooyinka.

2:In Saxafiyiinta ay helaan xoriyad madaxbanaan oo ay howshooda ku gutaan ,taasoo aheyn macnaheeda in ay baahiyaan warar aan xaqiiqadda ka turjumeyn.

3:In maamulka Magaalada Kismaayo ku xisaabtamaan awooda Saxaafadda iyo in Weriyeyaasha yihiin kuwa la shaqeeya maamulkasta,iskuna xira bulshada rayidka iyo Maamuladda.

4:In JAJ Cambaareyneyso koox,maamul ama shaqsi kasta oo bartilmaameedsanayo Weriyeyaasha Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan,kuna kacay falal guracan oo isugu jira,Dil,Xarig.Caga jugleeyn.



Canab Cabdi Axmed
[email protected]
Nairobi: kenya



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip