Ururka Suxufiyiinta WAJ oo Wacdaro ka dhigay Kismayo,daawo Sawiradda

0
Monday July 05, 2010 - 04:55:12 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Suxufiyiinta WAJ oo Wacdaro ka dhigay Kismayo,daawo Sawiradda

    Ururka isu taga Suxufiyiinta Waamo ee loo yaqaan WAJ ayaa markii ugu horeysay xaflad balaaran ku qabtay Magaalo Xeebeedka Kismayo ee Jubooyinka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka isu taga Suxufiyiinta Waamo ee loo yaqaan WAJ ayaa markii ugu horeysay xaflad balaaran ku qabtay Magaalo Xeebeedka Kismayo ee Jubooyinka.



Xafladaas oo ay qaban qaabiyeen Masuuliyiinta sare ee Wamo Association Journalists {WAJ} waxaa ka qeyb galay ku simaha Gudoomiyaha gobolka Axmed Cabdi Cumar sandheere, ku simaha duqa Magaalada Kismayo Maxamed Nuur Xasan Gacmadheere,Gudoomiyaha Ururka Xaquuqul Insaanka ee FAHRO Cali Baashi Cabdulaahi Cigaal,Masuuliyiinta waxbarashada gobolka,Ururada haweenka iyo dadweyne aad u fara badan. 


Suxufiyiinta Waamo waxay munaasabadaasi ku faahfaahiyeen wax qabad kooda iyo sida ay u doonayaan in jubbooyinka ay uga shaqeeyaan iyagoo tilmaamau in hadafkooda ugu weyn uu yahay sidii ay isugu xirnaan lahaayeen dhamaan Suxufiyiinta goboladda Jubadda dhexe iyo Jubadda hoose. 

“Waxeynu ka soo horjeednaa tacadiyada loo geysanayo Suxufiyiinta Soomaaliyeed meel walboo ay ka howlgalaan waxaana la wada ogyahay in Somalia wariyeyaasha ka howlgala loo geysto Dilal, Xarig iyo handadaad taasina waa mida aynu dooneyno in aanu ka hortagno”ayey tiri Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta Waamo Mrs Laylo sheikh Aadan oo munaasabadaasi ka jeedisay khudbad dhinacya badan oo ka turjumeysay aragtida Ururka ay ku midoobeen Suxufiyiinta Waamo. 

Ku simaha gudoomiyaha gobolka jubada hoose Axmed Sandhere oo ka hadlay munaasabada Ururka Suxufiyiinta WAJ ayaa sheegey in ka maamul ahaan ay gacan ka geysan doonaan sare u qaadida ururka ay ku mideysan yihiin inta badan Suxufiyiinta jubbooyinka ee WAJ. 

“Way haboon tahey in maanta la helo meel Suxufiyiinta jubbooyinka loogu hagaago tanina waxa ay ka mid tahey talaabooyinka horumarka leh ee ay qaadeen wariye yaasha ka howlgala magaalada kismayo”ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Axmed Sandheere oo khudbad dheer ka jeedinayay Xafladda Ururka Suxufiyiinta Waamo ee marka la soo gaabiya loo yaqaan WAJ.

sidoo kale waxaa xaflada ka hadlay gudoomiyaha Ururka u dooda Xaquuqul insaanka ee FAHRO Cali Baashi waxa uuna sheegey in uu aad ugu faraxsan yahey in xafladaas uu ka qeyb galo, uuna arko Suxufiyiin isku xiran oo himiladooda tahay inay hiigsadaan horumar sare u qaadi kara xirfadooda shaqo maadaama ay yihiin kuwa fir fircoon marka howlahooda shaqo ay gudanayaan. 

Masuuliyiinta ururka Suxufiyiinta Waamo ayaa xafladaas ku balan qaadey in dhalinyarada jubooyinka camal la'aanta ku haysato ay siinayaan tababaro dhinaca Saxaafada ah si ay u helaan xirfado ay ku shaqeystaan, noloshoodana ay ugu maareeyaan maadama intooda badan ay yihiin kuwa aan haysan waxyaabo ay ku shaqeystaan. 

Ururka Waamo Association Journalists WAJ ayaa shaaca ka qaaday inay hoostagaan urur weynaha isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano ASOJ. 
Wakiilka Ururka ASOJ ee goboladda Jubooyinka Farxaan Lafoole oo isagana khudbad dheer ka jeediyay xafladaas ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay isku duubnaanta iyo horumarka ay hiigsanayaan Suxufiyiinta goboladda Jubooyinka ee ku midoobay WAJ. 

“Ururka ASOJ waa urur ay ku mideysan yihiin dhamaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed waliba Weriyaasha Proffesionalka ah,waxaana ii farxada inaan idiin sheego,aqoonsi inaan ka heysano DFKMG iyo Hay’adaha Saxaafada Caalamka qaarkood,waxaana anigoo ku hadlaya magaca Ururweynaha ASOJ,idin leeyahay,waxaan ka mid ahay WAJ,waxaana idinkala qeybqaadan doonaa sidii Saxaafadda gobolka looga ridi lahaa heeryadda.

Guud ahaan ka qeybgalayaashii xaflada Xariga looga jarayay Ururka isu taga Suxufiyiinta Waamo ayaa niyad furan iyo farxad ku soo dhaweeyay,waxayna horumar iyo farxad ku tilmaameen inay Waamo yeelato Urur Saxaafiyiinta ku mideysan yihiin. 

Si kastaba ha ahaatee,Ururka Suxufiyiinta Waamo ayaa la oran karaa waxay Kismayo ka sameeyeen dhoolatuskii ugu balaarnaa ee ay ku muujinayaan sida ay isugu duuban yihiin,waxaana la filayaa in Ururada gobolada kale ee Soomaaliya ay sameeystaan xaflada nuucaasa oo ay ku muujinayaan isku duubnidooda Saxaafadeed.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip