Wariyaal ka tirsan ASOJ oo la gudoonsiiyay Card-ka Cas ee International Press.

0
Monday July 05, 2010 - 04:46:24 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 1764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariyaal ka tirsan ASOJ oo la gudoonsiiyay Card-ka Cas ee International Press.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdi Naasir Maxamud Cumar Zeero,Farxaan Xasan Lafoole,Fu-aad Maxamed Cilmi iyo Cameraman Cabdilahi Afeey oo  ka tirsan Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa xaflad ka dhacday Nairobi lagu gudoonsiiyay Aqoonsiga Caalamiga ee International Press oo ay xubin ka noqdeen ,kadib  markii Ururka Caalamigaa ee FCAE uu aqoonsi buuxa siiyay ASSOCIATED SOMALI JOURNALISTS {ASOJ}


 
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta DFKMG Mudane Xasan Ciisse Kuuriya ayaa Weriyaasha ASOJ gudoonsiiyay aqoonsigooda Red Card International Press ,wuxuuna ugu hambalyeeyay guulaha ay ku tilaabsadeen. 


 
Ururka Foreign Correspondent Association FCAE madax ka socotay oo ka qeybgalay Xaflada ASOJ ee Nairobi ayaa shaaca ka qaaday in afarta Wariye ay yihiin kuwii ugu horeeyay balse ay sidoo kale sida ugu dhaqsiyaha badan u diiwaangelin doonaan 94 Wariye oo Soomaali ah,kana tirsan ASOJ.


 Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ,waxaa uu sheegay inuu soo dhaweeynayo dhamaan Wariyaasha Soomaaliyeed si ay u kaabaan horumarka Xirfadooda Saxaafadeed ee dhinaca aqoonsiga Caalamiga.
 

  

Siciid Cumar Baafo 

[email protected] 

Nairobi Kenya 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip