ASOJ oo dowlada ku eedeyay inay Wariyaashii ugu badnaa ka qaxisay Muqdisho

0
Monday July 05, 2010 - 04:43:49 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2276
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ASOJ oo dowlada ku eedeyay inay Wariyaashii ugu badnaa ka qaxisay Muqdisho

    Ururka Suxufiyiinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Suxufiyiinta

Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ waxaa uu dowlada federalka ugu baaqayaa inay ka waantoowdo tacadiyada iyo hanjabaadaha ay kula kaceeyso Wariyaasha madaxabanaan ee ka hoowlgalo gudaha dalka Soomaaliya .? 

ASOJ waxay cambaareynee weerarkii ay Ciidamada Federalka ku qaadeen Wariyaasha Dayniile,Qaranimo iyo Onkod,kuna carqaladeeyeen xafiisyada sedexdaas shabaakadood ay Muqdisho ku leeyihiin ?



sidas waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxiixan yahay Afhayeenka ASOJ Sunni Siciid Saalax oo ku sugan Nairobi. 

Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ wuxuu Wasiirka Warfaafinta ugu baaqayaa inuu ka hadlo tacadiyada sii kordhaya ee Maamulka uu Warfaafinta u qaabilsan yahay ay kula kacayaan Warbaahinta madaxa banaan ee Soomaaliya gaar ahaan tan Muqdisho. 

ASOJ Waxay dowlada ku eedeyneysaa  barakicin baahsan oo ay  kula kacday Wariyaasha Soomaaliyeed taas oo sababtay inay ka qaxaan Muqdisho iyo gobolada ku xeeran oo ay maciin bidaan dalalka deriska ,sida Somaliland,Jabuuti iyo Kenya.  

Ugu dambeyn ASOJ waxay mar labaad ka dalbanee dowlada federalka inay ilaaliyaan madaxbanaanida Jaraa�idka ,kana waantoobaan tilaabooyinka lagu qalqal gelinayo madax banaanida Jaraa�idka 

  

Head Office for ASOJ

Abdi Fitah Mohamed Hilowle

Mogadishu-Somalia 

[email protected] 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip