ASOJ oo dowladda Federalka ugu baaqay inay deg deg ku sii daayaan Wariye Maxamed Bashiir Sh Cabdi Raxmaan.

0
Monday July 05, 2010 - 04:28:04 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2517
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ASOJ oo dowladda Federalka ugu baaqay inay deg deg ku sii daayaan Wariye Maxamed Bashiir Sh Cabdi Raxmaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa dowladda federalka ugu baaqay inay deg deg ku sii daayaan Wariye Maxamed Bashiir Sheekh Cabdi Raxmaan oo ah Madaxa dhaqaalaha ee Associated Somali Journalists ,kaas oo xabsigga ay dhigeen kadib markii uu howlo shaqo u tagay saakay Garoonka Muqdisho oo loo sheegay inuu shir Jaraa'id ku qaban doono Ra'isulwasaarre Geeddi. 


Ururka ASOJ wuxuu sidoo kale dowladda ugu baaqay inay sii daayaan Gaarigga Idaacadda Shabelle iyagoo ilaalinaya madaxbanaanidda Jaraa'idka. 



Agaasimaha Idaacadda Shabelle Mss Shugri Sheekh Cali ayaa Warbaahinta u sheegtay in Wariye Maxamed Bashiir iyo Gaarigii uu la socday ay dowladda ku xirtay sharci daro. 


Wariye Muxudiin Jakuula ayaa sidoo kale isagana sheegay inuu ka baxsaday xarigaas maadama uu la socday Wariye Maxamed Bashiir. 


Dowladda Federalka ayaa astaan u noqotay tacadiyadda Saxaafadda Madaxabanaan 

Gudoomiyaha Ururka Associated Somali Journalists Dahir Abdulle Alasow iyo Suxufiyiin la socota ayaa u ambabaxay dhinaca Madaxtooyadda si ay dowladda uga sii daayaan Wariyahaas ka tirsan Idaacadda Shabelle 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip