Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland iyo Socdaalkiisii Muqdisho 14 sano kadib.(Daawo sawiradii laga qaaday).

0
Monday July 05, 2010 - 04:19:05 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2662
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland iyo Socdaalkiisii Muqdisho 14 sano kadib.(Daawo sawiradii laga qaaday).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

 

Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) ayaa 14 sano kadib ,waxaa uu booqasho sedex maalmood qaadatay ku yimid Magaaladda Muqdisho.

Gudoomiyaha Solja oo ay Muqdisho ku soo dhaweeyeen Wariyaasha Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa booqday Goobo muhiim ah oo ay ka mid yahiin ,Wasaaraddii Warfaafinta ee Radio Muqdisho,Xaruntii Villa Soomaaliya ,Tiyaatarkii Qaranka,Taaladii Sayidka iyo dhamaan Degmooyinka Magaaladda Muqdisho.



Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mustafe Shiine ayeey Mas’uuliyiinta ASOJ ku soo wareejiyeen guud ahaan qaybaha kala duwan ee Idaacadii Qaranka,isagoo sidoo kalana la kulmay Agaasimaha Idaacadaas Cabdi risaaq Bahalaawi.

Mustafe Shiine oo ay Muqdisho ugu dambeeysay 1992-dii ayaa sidoo kale waxaa uu la kulmay Madaxda sare ee Xafiiska Warfaafinta Maxaakiimta Islaamka.isagoo booqday Degmadii uu ku dhashay ee Waaberi.

Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa Gudoomiyaha SOLJA qada sharaf ugu sameeyay Hotelka Peace International ee Muqdisho,wuxuuna Mr Shiine ku nuuxnuuxsaday in Muqdisho mudadii uu joogay uusan arag wax qori sito,isagoo sidoo kale sheegay in marka dhab loo hadlo haatan la oran karo Muqdisho waa Nabad.

Gudoomiyaha Ururka Isu Taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ Dahir Abdulle Alasow ayaa ku nuuxnuuxsaday in Urur ahaan ay aqoonsan yahiin Jamhuuriyadda Somaliland,sidaas daraadeedna ay soo dhaweeynayaan dhamaan xubnaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA hadii ay doonayaan inay booqashooyin ku maraan dhamaan goboladda koofurta Soomaaliya.

Mr Dahir Alasow,wuxuu tibaaxay inay farxad wayn u tahay booqashadda Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland uu ku yimid Muqdisho.

Khadan Sheekh Axmed
Mogadisho – Somalia
[email protected]



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip