Wariyeyaal Xabsiga Muqdisho ku xiran 15 August ilaa 7 December Maxkamad la-aan ?

0
Sunday December 07, 2014 - 12:52:47 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 15962
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariyeyaal Xabsiga Muqdisho ku xiran 15 August ilaa 7 December Maxkamad la-aan ?

    ASOJ.ORG-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ASOJ.ORG-

Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay Wariyeyaal qaab siyaasadeed ugu xiran Wasiirkii hore ee Cadaaladda Faarax Cabduqadir kuwaas oo aan Maxkamad la horgeyn tan iyo markii Xabsiga loo taxaabay 15 Augusto 2014.

“Xirnaanshaha Wariyeyaasha Shabelle ee Xabsiga loo taxaabay 15 Augusto 2014 waxay sawir fool xun ka bixineysaa halista iyo cadaalad darada Mustaqbalka dhaw wada galaafan doonto maxaa yeelay ninka sheegta Wasiirka Cadaaladda ee lagu magacaabo Faarax Cabduqadir ayey u xiran yihiin Wariyeyaashaas oo xaq u lahaa in 45 maalmood gudahood la Maxkamadeeyo si loo xukumo” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ.

ASOJ waxay sheegtay in Wariyeyaasha kala ah Mohamed Bashiir iyo Mohamud Carab u xiran yihiin siyaasad  ama Wasiirkii hore ee Cadaaladda Faarax Cabduqadir kaas oo diiday in Maxkamad la horgeeyo.

Associated Somali Journalists waxay Xildhibaanadda Baarlamaanka Somalia ugu baaqeeysaa iney dadaal xoogan u galaan sidii Wariyeyaasha xiran u heli lahaayeen Cadaalad maadama habeen walba lagu jirdo xabsiga.

“Baarlamaanka Somalia waxaan weydiisanay ineysan ka sii aamusnaan Wariyeyaasha siyaasadda u xiran,waana iney si daacadnimo ka muuqata uga damqadaan Suxufiyiinta u xiran Faarax Cabduqadir” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ASOJ.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip