ASOJ oo Cambareysay weerarkii lagu sameeyay Wariyaal hoowlahooda shaqo ka watay Shirka dib u heshiisiinta Muqdisho

0
Monday July 05, 2010 - 04:39:22 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2517
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ASOJ oo Cambareysay weerarkii lagu sameeyay Wariyaal hoowlahooda shaqo ka watay Shirka dib u heshiisiinta Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa cambaareeyay tacadiyadii lagu jirdilay Wariyaal ka tirsan Telefishinadda GBC iyo Hornafrik ee Muqdisho xilli ay gudanayeen hoowlahooda shaqo ee tebinta doodaha shirka dib u heshiisiinta ee ka soconaya Muqdisho-Somalia. 

Warsaxaafadeed ay ASOJ ka soo saartay Muqdisho ayay ku sheegtay inay nasiib daro tahay tilaabooyinka ugubkaa ee durba hoowlwadeenada shirka ay ku garaacayaan Warfidiyeeno aan waxba galabsan,waxayna Shirgudoonada shirka ugu baaqeen inay ka fogaadaan falalka lagu waxyeeleeynayo Warbaahinta madaxabanaan ee shirka ku casuuman. 


" Waa nasiib in wariyaasha qalabkooda laga fara maroojiya oo la garaaco,waxayna taas dhalin kartaa in la iswaydiiyo,ergo huwan magac dib u heshiisiin sidee ku dilaan dimbilaabayaal,waa mid laga xanuunsado,oo tiiraanyo leh,waxaana muhiima in la fahmo shaqada Saxaafiga inay tahay mid ku saleeysan xaqiiqda iyo tebinta dhacdo kasta oo taagan"sidaas waxaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ASOJ. 

Warka ASOJ ayaa daba yaal kadib markii Wariyaal filim ka duubanayay buuq iyo sawaxan dhexmaray erkada shirka ay ergada garaaceen oo nabadsugidana ay kala wareegeen cajaladahii ay duubteen. 

  

Hassan Omar Mohamed 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip