By Fadumo Farah
ASOJ.ORG - Baaris ay sameeysay Associated Somali
Journalists ASOJ ayaa lagu xaqiijiyay in Saxaafiyadda Metra Abdi Omar Indhacase
u dhimatay sun la siiyay.
Dhaqtarka Metra Abdi Omar ayaa ASOJ u xaqiijiyay in la
sumeeyay Saxaafiyada dhimatay ,sida uu
ku ogaaday baaristiisa,
Hooyada dhashay Metra Abdi oo Wariyeyaal ka tirsan ASOJ
ku booqdeen gurigeeda waxay tiri “ Gabadheeyda markii uu dhaqtarka xaqiijiyay in la sumeeyay ,waxay
igu tiri hooyo waxaa I sumeeyay hebel,waan aqaanaa laakiin hadaan dhinto yaan
waxba lagu sameeyn”
Baaris ay sameeyeen Wariyeyaasha ASOJ waxay ku ogaadeen
inuu khilaaf mudo dheer socday ka dhaxeeyay Agaasimaha Telefishinka Universal
Muqdisho Ibrahim Jeekey iyo Saxaafiyada dhimatay ee Metra Omar.
Metra allaha u naxariistee ,inta ay dhiman ka hor waxay
Wariyeyaashii booqday ku tiri “ Ibrahim Jeekey ayaa ka shaqeeyay sunta aan cabay,waxaana I siiyay
nin lagu magacaabo Macalin Taatiko oo qeybta Turjubaanka UNIVERSAL TV joogo”
Allaha u naxariisto Metra waxay suntan la siiyay la
xanuunsaneed todobaad ,kadibna waa u dhimatay suntan.
Associated Somali Journalists ASOJ waxay Dowladda KMG iyo Maamulka Universal Tv
ugu baaqeeysaa inay baaris ku sameeyaan habkii loo sumeeyay Metra Abdi Omar.
ASOJ oo aad uga xun falka lagu sumeeyay Metra waxay ku
baaqeeysaa in Maxkamad la horgeeyo shaqsiyaadka suntan siiyay gabadha
geeriyootay,iyadoo la hayo cadeeymo ka marqaati kacaya habkii loo sumeeyay
Gabadha iyo dhaqtarkii baarista ku sameeyay jirkeeda.
Waa arrin aad looga xumaado In qof ka tirsan bahda
Saxaafadda dilo ama sumeeyo qof la xirfada ,waxaana muhiima in falka nuucaana
laga hortagaa