Hassan Shire EHAHRD dilaa mise difaace ? Ururka Asoj oo ka hadlay

0
Thursday November 26, 2015 - 23:19:57 in Warar Af-Soomaali ah by Asoj Org
  • Visits: 2770
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Hassan Shire EHAHRD dilaa mise difaace ? Ururka Asoj oo ka hadlay

    ASOJ.ORG - Associated Somali Journalists ayaa cambaareeysay nin sheegta inuu yahay Agaasimaha East and Horn of Africa Human rights defenders,kaas oo lagu magacaabo Hassan Shire.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ASOJ.ORG - Associated Somali Journalists ayaa cambaareeysay nin sheegta inuu yahay Agaasimaha East and Horn of Africa Human rights defenders,kaas oo lagu magacaabo Hassan Shire.

"Hassan Shire wuxuu astaan u noqday qabyaalad iyo musuqmaasuq,wuxuu sheegtaa inuu yahay difaace xaquuqul insaan laakiin waa dilaaga insaanka,wuxuu lacagaha loogu tala galay inuu ku difaaco dadka aan codka laheyn siiyaa kuwa dila Suxufiyiinta Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Associated Somali Journalists ASOJ.

"Hassan Shire maalin qura kama hadlin dhamaan Suxufiyiintii lagu dilay Muqdisho,sidoo kalena kama hadlin dadkii rayidka barakacayaasha ahaay ee Ciidanka Madaxweyne Hassan Sheekh Mohamud ku dhex laayeen xeryaha barakacayaasha” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ASOJ.

"Shaqsiyaadka argagixisada Al-Shabaab iyo Dowladda Federalka u qaabilsan dilalka Wariyeyaasha ee Hassan Ali Gesey iyo Mohamed Bakistan madaxda u yihiin waxaan dhawaan ka qaadi doonaa tilaabo iyaga iyo Website-yadda ay ku faafiyaan wararka been abuurkaa laakiin maalintaas waxaan hubaa inuu soo bixi doono Hassan Shire taasina waxaan uga gol leenahay inaan dunida tusno qofka uu yahay iyo inuu ka dambeeyo falalka ay geeysanayaan kooxdaas”ayuu yiri Dahir Alasow.

Gudoomiyaha ASOJ Dahir Alasow ayaa beesha Caalamka ugu baaqay ineysan taageerin Hassan Shire ,kooxdiisa iyo NGO-giisa .

"Visayaasha Yurub ee loogu tala galay ergadda u doodayaasha xaquuqul insaanka iyo Suxufiyiinta wuxuu siiyaa dad qabiilkiisa ah ama wuxuu ku iibsadaa 30.000 $ ,wuxuu qabyaalad ku taageeraa Dowladda Federalka Somalia oo Madaxweyne uu ka yahay nin ay isku qabiil yihiin laguna magacaabo Hassan Sheekh Mohamud” ayuu yiri Dahir Alasow.

ASOJ waxeey sheegtay inuu Hassan Shire qabyaalad uga soo horjeestay ololahii lagu dalbanaayay in Xabsiga cadaalad daradda laga sii daayo siyaasi lagu magacaabo Cali Yare Wardheere,waxeeyna Asoj ogaatay inuu Hay’adaha xaquuqul insaanka u gudbiyay warbixin been abuura oo uu ku xaqiray tacadiga lagula kacay Cali Yare ,isagoo dhinaca kale ka been sheegay sababta Cali Wardheere loo xiray oo aheyd isagoo ka soo horjeestay ama mucaaraday Siyaasadda Madaxweyne Hassan Sheekh Mohamud.

Associated Somali Journalists waxeey ku baaqeeysaa iney Suxufiyiinta Soomaaliyeed iskuugu yimaadaan shir degdega 15 December 2015 ,wuxuuna ururka ASOJ martigelin doonaa shirweynaha si aan uga tashano sida ugu haboon ee looga hortegi karo tacadiyadda,qabyaaladda iyo musuqmaasuqa joogtada noqday ee Hassan Shire.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip