OGEYSIIS KU AADAN ABAALMARINTA QARAMADA MIDOOBEY EE WARBAAHINTA 2008.

0
Monday July 05, 2010 - 05:05:01 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    OGEYSIIS KU AADAN ABAALMARINTA QARAMADA MIDOOBEY EE WARBAAHINTA 2008.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus


Office of the United Nations Resident & Humanitarian Coordinator for Somalia

 

Springette, Off Lower Kabete Road, P.O. Box 28832, 00200, Nairobi, Kenya

Tel. (254 20) 4255000; Fax (254 20) 4255101 Website: www.somalia-un.org

 

UJEEDDADA LAGA LEEYAHAY ‘ABAALMARINTA QARAMADA MIDOOBEY’:

  • In kor loo qaado wacyiga ku aaddan arrimaha horumarinta iyo bani’aadamnimada iyo waxyaabihii ay Qaramada Midoobey ka qabatey nabadda, shuraakada/iskaashiga, dib-u-soo-kabashada iyo horumarinta.
  • In la dhiirigeliyo maqaallada la daabaco, kuwa internetka, kuwa warbaahinta idaacadaha ee  la xiriira arrimaha horumarinta iyo bani’aadamnimada.
  • In la aqoonsado kaalintii suxufiyiinta Soomaaliyeed ay ka geysteen u soo bandhigidda dadweynaha arrimaha horumarinta iyo bani’aadamnimada.
  • In la wanaajiyo heerka suxufiyiinta ay ka taagan yihiin arrimahaan.

XEERARKA

1.       Dhammaan waxyaabaha tartanka lagaga soo qaybgalayo waa in ay ahaadaan kuwo wargeysyada lagu qorey ama la baahiyey muddadii u dhaxaysay 1 Agoosto 2007 ilaa 30 Sebtember 2008.

2.       Abaal-marinta waxaa ay u faran tahay oo keliya suxufiyiinta ku sugan Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland.

3.       Waxaa looga soo qaybgeli karaa Af-Soomaali ama Ingiriisi

4.       Ka qaybgale kasta lagama aqbali doono in uu wax (1) mid ka badan kaga qaybgalo halkii mowduucba (taxanayaasha waxaa laga soo qaadayaa in ay yihiin hal ka qaybgal).

5.       Shuruudaha qiimeynta waxaa ku jiri doona saxnimada, lafagurka, dheelitirnaanta, dulucda, raadka ay reebto, asalnimada, qiimaha ay u leedahay dadka iyo sida ay ugu habboon tahay mowduuca.

ABAALMARINTA

Abaalmarinta ‘Maqaalka ugu wanaagsan’ waxaa lagu bixin doonaa laba qaybood: Maqaalka Qoran iyo kan Idaacadda.

Abaalmarinta waxaa lagu bixin doonaa xaflad dib laga soo sheegi doono.

MAQAALLADA UGU WANAAGSAN: ABAALMARINTA MAQAALKA QORAALKA AH WAA US$1,000

Maqaalka wargeyska ama kan internetka waa in uu si guud uga hadlaa qodob warka ku jira ama mowduuc taagan ama welwel jira oo la xiriira mid ka mid ah mowduucyada. Waxa looga qaybgelayo waa in ay lahaadaan raad-raac/hordhac, lafagurid, sida ay wax u dhaceen ama tixgelinta xaaladda mowduuca iyo siyaabaha arrinta/arrimaha hadda loo baajinayo.

Waxa looga qaybgelayo tartanka waa in ay yihiin qayb wargeyska laga soo jarey ama daabacaadda maqaalka internetka oo wata magaca wargeyska/website-ka iyo taariikhdii la daabacay ama la baahiyey.

MAQAALLADA UGU WANAAGSAN: IDAACADDA

ABAALMARINTA US$1,000

Maqaalka ama dukumentaariyada waa in uu si guud uga hadlaa qodob warka ku jira ama mowduuc taagan ama welwel jira oo la xiriira mid ka mid ah mowduucyada. Waxa looga qaybgelayo waa in ay lahaadaan raad-raac/hordhac, lafagurid, sida ay wax u dhaceen ama tixgelinta xaaladda mowduuca iyo siyaabaha arrinta/arrimaha hadda loo baajanayo.

Waxa looga qaybgelayo tartanka waa in ay ku duuban yihiin CD-Rom ama cajalad waana in ay wataan magaca suxufiga ka mas’uulka ah, magaca idaacadda iyo taariikhda la baahiyey.

MOWDUUCYADA

Nabadda & Dowladnimada 

Nabad la’aan, ma dhici karto in si macno leh looga gudbo xaaladda bani’aadamnimada Soomaaliya ee liidata oo loo gudbo soo kabasho iyo horumarin. Sidee bey shakhsiyaadka iyo bulshooyinka iyo ururada ay gacan uga geysanayaan nabad dhalinta?

(Tusaale ahaan. Sheekooyinka la xiriira dowladnimada, caddaaladda, xukunka sharciga, dadaallada nabad-dhalinta ee hoos laga soo bilaabayo, dadaallada bulshada ee dib-u-heshiisiinta, iwm).

Shuraakada/iskaashiga

Iskaashiga/shuraakada dhexmarta bulshooyinka, madaxda degaannada; ururada bulshada iyo Qaramada Midoobey ayaa aad muhiim ugu ah qaar badan oo ka mid ah arrimaha lagu badbaadinayo nafaha iyo kuwa horumarinta. Sidee bey shuraakada/iskaashigu gacan uga geysanayaan dowladnimada habboon, adeeg-bixinta, nolol-raadsiga, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta?.

(Tusaale ahaan. Sheekooyinka la xiriira awood-siinta bulshada, horumarinta bulshada ka timaadda, Guddiyada caafimaadka &/ama waxbarashada ee bulshada, kaalinta NGO-yada iwm…).

Carruurta

Carruurtu waxa ay ka mid yihiin kuwa ugu nugul bulshada. Sidee bey tahay nolosha carruurta Soomaalida? Sidee ayaa horumarkooda loo hor-istaagayaa iyo/ama loo caawinayaa?

(Tusaale ahaan. Sheekooyin ku saabsan carruurta iyo saboolnimada, waxbarashada, jinsiga, caafimaadka iyo nafaqeyta, fayadhowrka iyo nadaafadda biyaha, horumarinta qaan-gaarka, ka qaybgalka, jiilkii dhalinyarada Soomaalida ee dhumey iwm.).

Haweenka

Haweenku waxa ay leeyihiin kaalin muhiim ah oo ay ka cayaari karaan horumarinta qaranka laakiin haweenku fursad uma wada helaan arrintaa. Maxay yihiin fursadaha ay haweenku helayaan – ama aanay heleyn – si ay u gaaraan awooddooda buuxda? Sidee ayaa ay isu caawinayaan iyagu?.

(Tusaale ahaan. Sheekooyin ku saaban….. haweenka iyo saboolnimada, waxbarashada jinsiga, hooyanimo nabadgelyo leh, caafimaadka iyo nafaqada, HIV & AIDS, fayadhowrka biyaha iyo caafimaadka, caafimaadka taranka….iwm). 

Caafimaadka

Maqnaanshaha nidaam iyo kaabayaal caafimaad oo baahsan ayaa keeney dhimashada carruur iyo umul-raac badan iyo tii ugu xumeyd dunida oo dhan xaalad caafimaadka dadweynaha ee la arkey muddooyinkan dambe. Sidee bey arrintani u saameysey Soomaalida sideese ayaa ay shakhsiyaadka, bulshooyinka iyo ururadu ay xaaladda wax uga qabanayaan?.

(Tusaale ahaan. Sheekooyin ku saabsan saboolnimada horumarinta nidaamka caafimaadka, jinsiga, caafimaadka taranka, hooyanimo nabadgelyo leh, caafimaadka iyo nafaqeynta, HIV & AIDS, awoodda dowladda iwm.)

Wax-ka-qabashada Arrimaha Degdegga ah.

Abaar, daad, iskahorimaad, barakac iyo baqool ayaa ah culaysyo badan oo haysta Soomaalida. Sidee dadku xaaladahaan ula qabsadeen: maxay yihiin sheekooyinka ay werinayaan? Sidee bey shakhsiyaadka, bulshooyinka iyo ururada ay xaaladda wax uga qabanayaan?.

MAAMULKA & GARSOORKA.

Waxyaabaha lagaga soo qaybgalo waxaa garsoori doona koox ay ku jiraan wakiillo Qaramada Midoobey ka socda iyo xirfadlayaal suxufiyiin ah.

Qaramada Midoobey waajib kuma ahan in ay bixiso abaalmarin haddii waxyaabaha looga soo qaybgalay uusan midkoodna gaarin heerkii la rabey.

SI AAD UGA SOO QAYBGASHO:

Dhammaan waxyaabaha looga soo qaybgalayo waa in lala soo gudbiyaan foomka ka qaybgalka oo la soo buuxiyey (lifaaqa hoose).

Ka-qaybgalka qoraalka ahaa waa in lagu soo diraa e-mailkan: [email protected]

Ka-qaybgalka raadiyaha, oo si cad loogu soo qorey ‘UN Media Awards’ ayaa la geyn karaa xafiisyada Qaramada Midoobey ee HARGEYSA, BOOSAASO, GAROWE, BAYDHABO ama JOWHAR 

TAARIIKHDA AY XIRMEYSO KA SOO QAYBGELIDDU WAA AXAD 16 KA NOFEMBAR 2008

ABAALMARINTAN WAXAA TAAGEEREY HAY’ADAHA QARAMADA MIDOOBEY EE KA SHAQEEYA SOOMAALIYA: FAO, ILO, UNAIDS, UNDP, UNESCO, UNFPA, UNHABITAT, UNHCR, UNICEF, UNIFEM, UNOCHA, UNPOS, WFP, WHO.

     



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip