By Fadumo Farah -------
Agaasimahii
Waagacusub Media Abdirahman Mohamed Ali oo ay wehliyeen laba qof oo mid
haweeneey tahay ayey Sedex nin oo bustoolada ku hubeeysnaa ku joojiyeen
Jidka Warshadda Dhiiga ee Xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa 26 September
2012.
Dableeyda
ayaa Abdirahman iyo labadii qof ee la socday ku qasbay inay galaan gaari ay
wateen kadibna indhaha ayaa laga duubay ,iyadoo la geeyay guri qurux badan
sida ay ASOJ u sheegeen dadkii la socday oo nasiibka u saamaxay in la sii
daayo iyagoo bad qaba.
Allaha
u naxariistee Wariye Abdirahman iyo dadkii lala afduubay ayaa guriga dhexdiisa
lagu wareeystay,iyadoo la waydiiyay inay wada socdeen oo is yaqaanaan iyo inay
isku cusub yihiin.
Abdirahman
wuxuu sheegay inaysan aqoon hore ka dhaxeyn wiilka iyo gabadha la socday balse
isku dhex barteen baska.
Nin
aan ka mid aheyn dableeydii afduubatay ayaa Abdirahman waydiiyay Password-ka
iyo User name-ka Waagacusub hasse yeeshee wuxuu ku gaabsaday inuu aqoon
macluumaadkaas balse shaqadiisu tahay maamul.
"Wariye
Abdirahman waxaa lagu yiri Telefoon kula hadal milkiilayaasha Sunatimes iyo
Waagacusub oo ku dheh ka bixiya Macluumaadka Dahabshiil laga jabsaday
Database-kooda iyo Warbixinada English-ka lagu qoray laakiin nasiib daro
telefoonadii uu codsaday in loo waco dhamaantood waa xirnaayeen " ayey
yiraahdeen Wiilkii iyo Gabadhii la socday Wariye Abdirahman kuwaas oo aan
xaalad amaan darteed uga gaabsanay inaan magacooda sheegno.
"
Ma taqaan Wariyaha Sunatimes u jooga Muqdisho magaciisa iyo telefoonkiisa ayaa
la waydiiyay Abdirahman wuxuuna ku jawaabay HAA " ayey yiraahdeen dadka
lala afduubtay Wariyaha la dilay,waxayna warkooda ku dareen "Abdirahman oo
indhaha ka xiran ayaa qolkii lagu wareeysanayay ee aan la joognay laga
kaxeeyay "
Goobjoogayaal
arkayay xilligii la afduubanayay Wariye Abdirahman iyo dadkii la socday ayaa
ASOJ u sheegay in sedexda qof ee afduubka fuliyay nin ka mid yahay Ilaaladda
Shirkadda Dahabshiil laguna magacaabo Mohamed.
Wariye
Abdirahman Mohamed Ali oo madaxa laga jaray,loona saaray xabadka ayaa 27
September 2012 waxaa meeydkiisa laga helay meel ku dhaw Barwaaqo Restaurent oo
ku taal Xaafadda Suuqa Xoolaha halka Wiilka iyo gabadhii lala afduubay maalintaas
habeenkeeda saqdhexe gaari lagu geeyay degaanka Waxaracadde ee Degmadda
Huriwaa,sida ay ASOJ u sheegeen.
"Anagoo
indhaha ka xiran ayaa gaari nagula qaaday kadibna waxaa nalagu tuuray meel
baadiya ah oo la yiraa Waxaracadde,halkaas ayaan ka soo lugeeynay" ayey
yiraahdeen.
Wiilka
iyo Gabadha la socday Wariyaha madaxa laga jaray waxay sheegeen inaan dhibaato
loo geysan balse laga qaatay telefoonadeey wateen.
Kooxo
hubeysan ayaa toogasha ku dilay Tifaftirahii Website-ka luqada English-ka lagu
qora ee Sunatimes 28 September 2012 oo ku beegneed maalin kadib markii la helay
Meydka Abdirahman .
ASOJ
waxay rumeeysan tahay in Tifaftiraha Sunatimes Ahmed Abdullahi Fanah loo dilay
xog uu bixiyay Abdirahman Mohamed Ali ,ayna dileen isla kooxda madaxa ka
gooysay Agaasimaha Waagacusub Media allaha u wada naxariistee.
Saacado
kadib markii la dilay Wariye Ahmed Fanah 28 September 2012 wuxuu Tifaftiraha
guud ee Waagacusub Media ahna Gudoomiyaha ASOJ Mr Dahir Alasow gudoomay
Dukumiinti hanjabaada oo Qareenada Bird & Bird LLP u soo dhigeen Registered
Mail ama Boostada alaabaha looga qaato diiwaangelinta saxiixa iyo sharciga
qofka.
Warqada
Dukumiintiga ee Bird & Bird waxaa loogu hanjabay Dahir Alasow in Maxkamad
lala tiigsan doono hadii uu todobaad gudahood uga bixin waayo Waagacusub.com,sunatimes.comiyo ASOJ.org.
Falalka
dilalka iyo hanjabaadaha iskugu jira waxay dhacayaan todobaad kadib markii
Associated Somali Journalists ASOJ heshay xog ku saabsan in shir golaha sare ee
Shirkadda Dahabshiil ku yeesheen Hargeysa lagu go''aamiyay in madaxa Dahir
Alasow la dul dhigo lacag dhan sedex Milyan oo Dollar taas oo loogu tala galay
in lagu kharash gareeyo sidii loo dili lahaa ama loo xiri lahaa.
Nin
ku nool Magaaladda Breda ee dalka Holland ayaa telefoonka Dahir Alasow u soo
diray fariin qoraaleed (Text Massege) uu ku cadeeyay in Dahabshiil u xilsaartay
dilkiisa uuna lacag dhan boqol kun oo dollar ku bixin doono sidii loo khaarijin
lahaa.
Ninkaas
Fariinta soo qoray oo ay isku qabiil yihiin Milkiilaha Dahabshiil Company ayey
Ciidamadda Boliiska Holland soo qabteen,sida ay u sheegeen boliiska mar ay ku
booqdeen gurigiisa .
Shirkadda
Dahabshiil oo hore ugu guuldareeystay dacwad ay ku oogtay Tifaftiraha
Waagacusub ,ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2009 waday dagaal ka dhana
Warbaahinta madaxabanaan ee Somalia gaar ahaan Waagacusub.
Dahabshiil
Company oo garab ka heleysa Maamulka Somaliland waxay mudo laga joogo bil iyo
maalmo ku guuleeysatay inay adeegeeda Internet-ka Somtel iyo kan Telesom ka
xanibto in laga booqdo Website-yo gaaraya 36 Websites ,uuna ka mid yahay
Waagacusub.
Dahabshiil
Company oo Database-keeda ay jabsadeen koox la magac baxday Anonymous waxay
Website-kooda soo dhigeen Warbixin ay ugu hanjabeen Website-yada Somalida ee
xogtooda la jabsaday faafiyay gaar ahaan Tifaftiraha Waagacusub.com.
Ururka
Associated Somali Journalists oo si sharciya uga diiwaangashan Somalia iyo
Netherland wuxuu hoosta ka xariiqayaa in Shirkadda Dahabshiil maleegtay falkii
lagu khaarijiyay Agaasimahii Waagacusub Abdirahman Mohamed Ali iyo Tifaftirahii
Sunatimes Ahmed Abdullahi Fanah.
Associated
Somali Journalists waxay rajo wanaagsan ka qabtaa in dacwada loo madlan
yahay bisha November noqon doonto mid lagu soo afjaro tacadiyada iyo hanjabaadaha
joogtada noqday ee Shirkadda Dahabshiil si Wariyeyaasha iyo Warbaahinta Somalia
u helaan madaxbanaani ay ku gudbiyaan macluumaadkooda .
ASOJ
waxay mar labaad ugu baaqeeysaa Hay'adaha Qaramadda Midoobay ee Xiriirka
Ganacsi la leh Dahabshiil sida UNDP,WHO ,Unesco iyo Unicef inay ka fiirsadaan
si aysan ugu lug yeelan tacadiyada joogtada noqday Shirkadda Dahabshiil kula
kacday Saxaafadda iyo Suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Associated
Somali Journalists waxay ugu dambeyn tacsi tiiraanyo leh u direeysaa dhamaan
Wariyeyaashii sida xaqdaradaa loogu xasuuqay Somalia,waxayna Dowladda Federalka
KMG iyo Beesha Caalamka ugu baaqeeysaa inay xil iska saaraan ilaalinta amaanka
Wariyeyaasha iyo sidii loo siin lahaa taageero wax ku oola.
Mogadishu Office,
KM 5 ,Erea