Tue, January, 11-2011 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
By Abdi Mohamed-

Gudoomiyaha Isu taga Suxufiyiinta Somalia Dahir Alasow iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Puntland Cabdi Shakuur Mire Adan Cobol ayaa kulan ku yeeshay Hotelka Grand Regancy ee Magaaladda Nairobi.

Labada Masuul ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa madaxbanaanida Saxaafadda bulshada ku hadasha afka Somaliga iyo sidii tababaro loogu sameeyn lahaa Wariyeyaasha ku cusub Masraxa Saxaafadda Somalia

 

Inkastoo aan la ogeyn waxyaabaha ay sida gaarkaa uga wada hadleen Cabdi Shakuur Mire iyo Dahir Alasow hadana kulankooda waxaa ka qeybgalay Wariyeyaal waaweyn oo ay ka mid yihiin Qoraa sare Abukar Sheikh Ahmed Al Badri iyo Abdi Nasir Guuleed oo ka mida Wariyeyaasha ka hoowlgala warbaahinta la hadasha Caalamka.

Cabdi Shakuur Mire Adan Cobol wuxuu ka mid yahay Ururka qorayaasha Pen,waana Wariye caana oo la tirsho inuu gacan weyn ku lahaa kobaca Saxaafadda madaxa banaan ee Puntland.

ASOJ is nonprofit organization dedicated in press freedom and human rights, the organization represents more than one thousand journalists in 14 provinces across South central Somalia and Puntland and has good relationship with Somaliland Journalists, for further details contact: +31684863567
Email: info@asoj.org, dahiralasow@asoj.org headquarter office +25262-502917 Mogadishu-Somalia