ASOJ oo Wasaaradda Warfaafinta Somalia ugu baaqday inay tilaabo ka qaadaan Wariye Afrika

0
Friday February 14, 2014 - 21:52:13 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 1748
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ASOJ oo Wasaaradda Warfaafinta Somalia ugu baaqday inay tilaabo ka qaadaan Wariye Afrika

    ASOJ.ORG-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ASOJ.ORG-

Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa Wasiirka Warfaafinta Somalia Mustaf Dhuxulow ugu baaqay  inuu sharciga horgeeyo dhamaan dadkii ka dambeeyay xarigii iyo jirdilkii loo geystay Agaasimaha Radio Danan Mohamed Barre Fiyoore.

“Waxaan ku baaqeeynaa in si degdega Cadaalada loo horgeeyo Cabdi Casiis Mohamud Guled {Afrika} oo astaan u noqday ku xadgudbida Suxufiyiinta madaxabanaan “ ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed .

ASOJ waxay Cabdi Casiis Afrika ku eedeeysay inuu yahay shaqsi leh dhaqan mooryaanimo sidaasi darteedna loo baahan yahay in cadaalada la horgeeyo.

Cabdi Casiis Afrika mudadii uu Saxaafadda ku jiray wuxuu ku kacay falal liita oo ka baxsan anshaxa Saxaafadda sida dhac,kufsi iyo xirid Wariyeyaal madaxbanaan.

“Wariyeyaal ajnabiya oo u dhashay Japan ayuu Cabdi Casiis Afrika Muqdisho qalab uga dhacay sida Computer Labtop iyo Camera,wuxuu kufsaday gabadh Suxuufiyada,wuxuu xiray Milkiilahii Shabelle iyo Wariye Mohamed Bashiir,wuxuu sidoo kale xiray Agaasimaha Radio Danan Mohamed Fiyoore ,iyadoo jirdil lagu sameeyay sidaas darteed indhaha lagama sii eegan karo tacadiyada ninkaas” ayuu yiri Gudoomiyaha ASOJ Dahir Alasow.

Dahir Alasow wuxuu tilmaamay in Cabdi Casiis Afrika shaqadiisa hada aheyn Suxufinimo balse uu ka tirsan yahay Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia sidaas darteedna loo baahan yahay  in Wasaaradda Warfaafinta xadgudubyadiisa jawaab cad ka bixiso.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip