|
Suxufiyiinta
Waamo oo dhistay Urur Saxaafadeed ay ku mideysan yihiin:-
magacyada iyo muuqaalka madaxda sare.
Xubnaha sare ee
Suxufiyiinta WAJ Waamo oo la magacaabay,magacyada iyo muuqaalka.
Kadib markii
Suxufiyiinta waxqabadka leh ee gobolada Jubooyinka ay mudo laba
bilooda lahaayeen shirar iyo kulama is daba jooga oo ay uga
arinsanayeen horumarinta xirfadooda Saxaafadeed .
Kadib markii la isla gorfeeyay
sida Saxaafada Waamo ama Jubooyinka ula jaanqaadi
karto,Saxaafiyiinta kale ee gobolada Soomaaliya.

Kadib markii ay Weriyaasha Waamo ay
hoosta ka xariiqeen sida ay lagama maarmaan tahay in la yagleelo
Urur Saxaafadeed u taagan qadiyada iyo horumarinta Suxufiyiinta
gobolada Jubooyinka iyo dhul degaaneed weynaha Waamo,waxaa si
rasmiya loo dhameeystirahay dhismaha guddi madaxeedka sare ee
Ururka Suxufiyiinta Waamo( Wamo Association Journalists WAJ)
Waxaana
masuuliyiinta ugu sareeysa Ururka WAJ ee shanta xubnooda loo
magacaabay sidan:-.
-
Leyla Sheekh Aadan Ismaaciil (Guddoomiyaha
ururka WAJ)
-
Aadan Maxamed Salad (Kismaayo) (Guddoomiye
ku xigeenka WAJ)
-
Maxamed Xaashi Tawakal (Xogahaye guud ee
ururka WAJ)
-
Maxamed Cumar Maxamed (Madaxa Barnaamijyada
WAJ)
-
Cabdirisaaq Maxamed Bille (Madaxa
Maaliyadda ururka WAJ)
Ururka Wamo
Association Journalists waxaa uu hoostagaa dalladda Isu taga
Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ,wuxuuna dhawaan magacaabi doonaa
golaha dhexe iyo golaha fulinta ee xoghayeyaasha
Ururka Suxufiyiinta
Waamo wuxuu ugu baaqayaa dhamaan Suxufiyiinta gobolada
Soomaaliyeed inaysan aqbalin ku tumashada xaquuqdooda iyo ku
tiirsanaan Urur sheegta inuu metelo Saxaafada Soomaaliya,kaas oo
aan kalsooni ka heysan Saxaafiyiinta Soomaaliyeed oo ku bahoobay
Ururweynaha ASOJ .
|