Associated Somali Journalists *ASOJ*
English |  Arabic |  Somali |      
English UK Language Arabic Language Somali Language   Bogga'horeWararka XeerkaNagalasooxiriir FikirkeenaXubnaha   
Associated Somali Journalists *ASOJ*
Associated Somali Journalists *ASOJ*
 







Ururka ASOJ oo wax laga xumaado ku tilmaamay in shaqaalaha UNICEF Hiiraan ay ku lug yeeshaan xariga Weriyaha Radio Somaliweyn
 
Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa tilaabo xadguduba ku tilmaamay go-aanka ay maamulka gobolka Hiiraan ku xireen Wariye Xuseen Xasan Dhaqane xilli uu ku guda jiray hoowlahiisa shaqo ee Saxaafadeed.
“Waxaanu ka xunahay oo wax laga yax yaxo noola muuqda in masuuliyiinta gobolka Hiiraan ay xiraan Weriyaha gobolka Hiiraan ee Idaacada Somaliweyn xilli ay ugu yeerteen shir Jaraa’id oo uu qabanayay Gudoomiyaha gobolkaas Yusuf dabageed,waana mid uu ku dhaawacay madaxbanaanida Jaraa’idka iyo xiriirkii wanaagsanaa ee ka dhaxeeyay Warbaahinta iyo maamulka Hiiraan “ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ .
 
“Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ,wuxuu si cad u qaadacayaa hadalka Yusuf Dabageed ee ku saleeysan in Maxkamad la geeynayo Weriye Xuseen Xasan Dhaqane si loo xakumo,waxayna fikirka nuucaasa ku tilmaameen mid lagu yaqaan maamulada kaligii taliska,maadama uu sharciga caalamigaa iyo kan dowlada dhigayo ilaalinta madaxbanaanida Saxaafada iyo muwaadin kasta oo Soomaaliya,loona baahan yahay in Weriyaha hadii uu dimbi galay looga yeero Maxkamada,laakiin ay qalad qaawan tahay in sida maleeshiyo loo afduubto weriyaha isagoon Waaran iyo wargelin ka helin maamulka Hiiraan” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Associated Somali Journalists ASOJ ee Nairobi.
 
Ururka Suxufiyiinta ASOJ wuxuu ku nuuxnuuxsaday inay xogag dheeriya ku heleen in shirqoolka lagu xiray Weriyaha Somaliweyn ee Hiiraan ay maleegeen saraakiil ka tirsan Hay’ada Unicef ee gobolkaas,taasna aysan fursad u siin doonin inay qarsoonaadaan hadii ay jiraan musuqmaasuq iyo qaladaad ka dhacay madax Uniceg Hiiraan,oo weriyaha hore u faafiyay.
 
“Waa nasiib daro hadii ay cadaato in madaxda Unicef ku lug leeyihiin xariga iyo tacadiga Weriyaha gobolka hiiraan ee Somaliweyn,taasna waxay noqon kartaa mid ay shaqadooda ku waayi doonaan,marka laga tusaalo qaato xiriirka ka dhaxeeya Saxaafada iyo Hay’ada Unicef” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ASOJ .
 
Ugu dambeyn waxay ASOJ ugu baaqee dowlada federalka KMG inay ilaaliso madaxbananida Saxaafada,ayna ka waantoowdo tacadiyada isdaba jooga ee ay kula kaceyso Weriyaasha madaxa banaan ee dalka Somaliya ka howlgala.
 
Mohamed Abdinur Mohamed(Sacuudi).
Mohamed@asoj.org
+254710233216.
Nairobi-Kenya
 
 

 

 

 


 
Bogga'hore | Wararka | Xeerka | Nagalasooxiriir | Fikirkeena | Xubnaha
© Copyright ASOJ, All Rights Reserved.