Dil,xarig
iyo handadaad ayaa loo geystaa Weriyeyaasha ka howlgala
Soomaaliya.
Inkastoo saxaafad madax banaan oo xor ah ay ka hanaqaaday
dalka baaba’san ee Soomaaliya,hadana Marxalada adag ayey
ku shaqeeyaan weriyeyaasha Soomaalida ee ku sugan gudaha
dalka,sidaas oo ay tahay ma jirto weriyeyaasha dhexdooda
isku xirnaan oo waa kuwa ay kala jiidaneyso dabeysha siyaasadaha
qalifsan ee ka jira dalka.
waa run oo si isku mid ah ayey u danqadaan marka dil
loo geysto qof ay isku mehnad yihiin,laakin waxaa intaa
dhaafsiisan ma jiraan, sida caadiyan jirta waa dad sii
kala jeeda oo aan laheyn rayi mideysan,waxaaney taasi
keentaa in si bareer ah loogu geysto xadgudubyo ka dhan
ah xuquuqul insaanka.
Soomaaliya waa meel lagu dhibaateeyo weriyeyaasha islamarkaana
,aan laga qadarin soo bandhigida xoriyada hadalka.
Wixii ka dambeeyey sanadii 2000,waxaa soo badanaayey tacadiyada
loo geysto weriyeyaasha madaxa banana ee ka howlgala Somaliya,gaar
ahaan kuwa ku dhaqan Magaalada caasimada ah ee Muqdisho..
26,January,2000 weriye ka tirsan Codka
shacabka oo lagu magacaabo Axmed Kaafi Awale ayey kooxo
burcad ah oo hubeysan ku dileen suuqa bakaaraha xilli
uu gudanaayey howlahiisa shaqo
21kii Febrauyo 2001,waxaa magaalada Boosaso
lagu xeray weriye Abdi shakuur Yusuf oo ka tirsanaa wargeyska
Ogaal ee todobaadlaha ahaa,waxaana la siidaayey 01-april
ee isla sanadkaas.
27.Augost 2001,isla magaalada Boosaaso
ee maamul goboleedka Puntland waxaa lagu xeray Bile Max’ed
Qabowsade iyo Max’ed Said oo ka kala tirsanaa wargeysyada
Soyal iyo Yool,kadib markii lagu eedeyey iney daabaceen
warbixino wax u dhimayo amaanka.
17 January,2003 kooxo hubeysan oo ka
amarqaata Ganacsade Maxamed Deylaaf ayaa albaabada u laabay
Idaacada iyo Tvga Horn Afrik.
June,2003,C/raxmaan Xudeyfi iyo Xuseen
Geedi Xeynuuf oo ka tirsanaa weriyeyaasha Radio Banadir
ayey xabsiga dhigtay dowladii Carte ee Cabdi qasim madaxda
ka ahaa.
9 Febraury 2005,waxaa banaanka hore ee
Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho lagu toogtay Kate
Peyton oo barnaamij soo saare ka aheyd BBC-da
In May, 2005,Nin hubeysan ayaa dhaawac
u geystay weriye Cabdalla Nuuradiin Axmed oo ka tirsan
Idaacada Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho
5 June 2005,waxaa kontoroolka laga galo
degmada Afgooye ee G/SH/Hoose nin hubeysan uu toogasho
ku dilay Weriye Duniyo Muxudiin Nuur oo ka howlgali jirtay
Shirkada warbaahinta Horn Afrik,gaar ahaan Idaacada Capital
Voice,barnaamijka Muqdisho iyo Maanta.
3 Agosto 2005, Maamulkii degmada Jowhar ee G/Sh/Dhexe
ayaa xabsiga dhigay weriye Cabdullaahi Kulmiye Caddow
oo idaacada Horn Afrik ka tirsan.
23 june,2006,Waxaaa fagaaraha Tarbuunka
ee Magaalada Muqdisho lagu dilay weriye filimqaade ahaa
oo Swedish ah Martin Adler oo ahaa weriye Madaxbanaan.
24 Octobar,2006 waxaa dowlada Federalka
Kumeel Gaarka ay xirtay weriyeyaasha kala ah,fahad Maxamed
Abukar oo ka shaqeynayey idaacada warsan,Maxamed Cadaawe,Shabeele
Radio iyo Muqtaar Maxamed Catoosh weriyaha Horn Afrik
ee gobolada Bay iyo Bakool.
24 November 2006 Cabdullaahi Yaasiin
Jaamac oo ka shaqeynayey Radio Warsan oo dowlada Federalka
ay ku xirtay Magaalada Baydhaba.
2 Janaury 2007,weriyeyaal ka tirsan wargeyska
Haatuf ayaa la xiray kadib markii lagu eedeyey iney warbixino
isdabajoog ah ka qoreen qoyska Madaxweynaha M/mulka Somaliland
Daahir Riyaale Kaahin,waxaana maxkamada Somaliland ay
ku xukuntay 2 ilaa 2 ½ sano iyo bar xabsi ah
15,January,2007,dowlada Federalka ayaa xirtay
sedex idaacadood oo ka howlgala Magaalada Muqdisho,sida,Horn
Afrik,Shabelle iyo IQK.
9 Maarso, 2007 Xasan Sade Dhaqane oo
ka tirsanaa Shirkada Warbaahinta HornAfrik xabsiga ay
dhigtay Dowlada Federalka Kumeel Gaar ka ah. .
4 April 2007 Agaasimaha tvga Universal
xafiiska Muqdisho C/qaadir Maxamed Cashar Nadar,weriye
Bashiir Diiriye Naaleeye iyo filmqaade Xaamid Maxamed
Cusmaan oo intaba ka tirsan Tvga Universal ayey xirtay
DFS,kadib markii uu Afhayeenka Cabdilahi Yusuf,ninka lagu
magacaabo Xuub-sireed uu ku eedeyey iney su’aalo qaldan
weydiiyeen,kadib markuu ugu yeeray shir jaraa’id oo la
sheegay inuu qabanayey,waxaana markii maxkamad la soo
taagay kadib cadaatay inaaney wax dambi ah laheyn ,iyagoo
xornimadoodii dib ay u helay,22 May sanadkan 2007
21 April 2007 madaafiic dhowr ah oo lagu
garaacay idaacada Horn Afrik waxaana halkaasi ku dhaawacmay
weriye Yaxye Cali Faarax iyo Filimqaade Cabdi Dhaqane
Ciye.
5 May 2007 weriye Maxamed Cabdullaahi
Khaliif ayaa toogasho lagu dilay maamul goboleedka Puntland
15 May,2007,Weriye Abshir Cali Gabra iyo Axmed Xasan Mahad
oo ka tirsanaa weriyeyaasha Idaacada Jowhar ee G/SH/Dhexe
ayaa lagu dilay dagaal ku dhexmaray maleeshiyo beeleedyo
tuulada Xaaji Cali ee isla gobolkaasi Shabeelada dhexe,
ayagoo u socday iney soo gutaan waajibaadkoodii shaqo.
Waxaa intaasi sii dheer weriyeyaal badan oo jirdil ay
DFS ugu geysatay magaalada Muqdisho Ismaaciil Cali Cabdi
Taxte, Maxamed Raage oo idaacada shabelle ka tirsan,sidoo
kale jirdil magaalada Baydhaba loogu geystay weriye Maryan
Qalanjo oo ka tirsaney weriyeyaasha Idaacada Shabelle
baydhaba oo ay jirdilka u geysteen ciidamada m/mulka gobolka
baydhaba,iyadoo xafiiskii Idaacada Shabelle ee magaalada
Baydhabana la xiray.
Sidoo kale waxaa jira handadaadyo dhowr ah oo si isdaba
joog ah loogu geysto weriyeyaasha Soomaaliyeed,waxaaney
xilligan u muuqataa iney tahay waqtigii ugu xumaa ee soo
mara weriyeyaasha Soomaalida .
Waxaa soo ururisay Madaxa Daraasaadka iyo diiwaangelinta
ASOJ
Associated Somali Journalists
Fardowsa Max’ed Cabdulle.
Nairobi , Kenya .
Bilanxl5@hotmail.com
fardowsatina@asoj.org
|